Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Muxaaxida Inanta ee cidhifa galbeed ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa Xukuumadda, Maxkamadda sare iyo goleyaasha sharci dejinta ka codsaday in ay oo kala gaadhaan Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ee xukuumaddii Rayaale Ismaaciil Aadan Cismaan oo ay ku eedeeyeen in uu ku haysto dhulkii ay degenaayeen ee ay sharciga u lahaayeen kuna dhaqnaayeen muddo aad u dheer oo illaa ingiriiskii ah.
Ismaaliilyare ayay sheegeen in uu xoog kaga qaadayo dhulkooda isal markaana uu cagaf galiyay beero ka mid ah deegaanka Muqaaxida Inanta oo uu baabiiyay xoogna ku qaadanayo.
Waxaanay Madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ka codsadeen in la soo kala gaadho iyagoo intaa raaciyay in aanay wakiilan waxna aanay u dhiiban oo aanu iyaga metelin.
Hadaba halkan ka daawo.