Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadlay Dil ka dhacay Gobolka Gabilay’Joojinta Dhoofka Xoolaha’xaaladda Abaarta iyo Socdaalka Weftiga Dawladda Jabuuti

0
356

“Dadka waxaan leeyahay is dejiya sharcigana qofna gacantiisa kuma fushan karo sharcigana ayaana la hor keeni doonaa’Xukuumaddu olole kuma jirto… xoolo jabuuti la marinayona ma ogin.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa ka hadlay dil dhawaan ka dhacay  gobolka Gabilay, xaaladda abaarta ka jirta Somaliland dhoofka Xoolaha ee Sucuudigu uu joojiyay iyo Wefti heer wasiir ah oo dawladda Jabuuti ka socda oo dalka booqasho rasmi ah ku yimi.

faratoon

Waxaanu Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland meesha ka saaray in socdaalka Weftiga Jabuuti u yimi dalka in Somaliland xooleheeda ay mariso dhanka dalka Jabuuti oo ay sidaa ku dhoofaan isagoo  sheegay in dawladda Somaliland arrinta xoolaha dhoofkooda ay kala hadlayso Dawladda Boqortooyada Sucuudiga oo ay u caddaynayaan in  Xoolaha Somaliland aanay bukin.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dil dhawaan ka dhacay gobolka Gabilay oo u sheegay in uu ahaa dil fool xun oo bulshada kiciyay,dilkaas oo lagu dilay gabadh Meydkeeda laga helay meel beer ah ka dib markii dhawr maalmood la raadinayay.

Waxaanu dadka deegaanka u soo jeediyay in ay is dejiyaan oo ay sharciga ka war sugaan kol haddii la hayo eedaysanihii kiiska  dilka ah ku eedaysnaa oo aanu baxsan lana qabtay.

Waxaa kale oo uu Wasiir Xiir  sheegay in abaarta dalka ka jirtaa ay sii waynaanayso  Xukuumadduna ku jirto gurmadka dadka  tabaalaysan wax olole ahna aanay dalka ka wadin oo xaalad adag dadka deegaanada abaartu ka jirtaa ay  ku sugan yihiin.

Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal  laga waydiiyay dilka ka dhacay gobolka Gabilay oo gabadh lagu dilay isla markaana lagu qariyay meel beer ah iyo kiiskaasi halka uu marayo,ayaa ku jawaabay. “Horta dilkaasi wuu dhacay dadkana dareen xun xun ayuu ku abuuray oo shaki badan ayay dadka deegaanku qaadeen markii la waayay Marxuumadda waxaanu dareenkodu sii kacay markii iyadoo Meyd ah la soo helay markaa horta dilku waa camal shaydaan oo waa shay lagu naar galo oo la inooga digay Islaam ahaan diinteenuna may bannayn in qof Islaam ah la iska dilo,waxaa kale oo xun iyaduna qarinta la qariyay iyo qofka  ku eedaysan oo ah ninkeedii oo ay carruur badan u dhashay markaa waxaan leeyahay dadka is dejiya  didsanaantu ha idinka baxdo qofkii dilka loo tumayay ee eedaysanaha ahaana waa la hayaa baadhistiina way socotaa sharciga ayaana la hor keenayaa dadkuna yaanay iska dooni n in ay sharciga gacantooda ku fushadaan taasina waa dawlad la,aan  markaa dawladda iyo garsoorka dalka ka war suga dhibaato kalena ma jirto ee nabad gelyada halaga wada shaqeeyo oo qofka wax gesyta sharciga aynu marino.”

Wasiirka oo  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in socdaallo olole  in ay Xukuumaddu ku jirto oo ay ka bilawday gobolka Awdal iyadoo dalka ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo wayni,ayaa yidhi. “Horta dalka abaar baahsan ayaa  ka jirta Xukuumadduna gurmad ayay ku jirtaa oo waxay u gurmanaysaa oo ay ku hawlan tahay  samato bixinta dadka abaaruhu tabaaleeyeen wax olole ah oo ay ku jirtaana ma jirto dhinaca kale abaartu meel adag ayay maraysaa oo dalka  saamaysay waanay ka sii daraysaa oo meel roob  ka da,ay ma jirto Xukuumadduna dadkaa waxba   kamay hagran oo meelaha qaar ayaa xattaa riigag biyood laga qoday laakiin xisbiyadu hawlahooda way wataan oo hadday Xisbi xaakimka tahay iyo hadday xisbiyada mucaaridka tahayba hawlahooda way wataan dawladduna waxay ku dhaqmaysaa muddadii doorshada oo aan waxba iska bedelin   laakiin isma quseeyaan hawlaha ay xisbiyadu qabsanayaan iyo waajibaadka Xukuumaddu.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Socdaalka weftiga dawladda Jabuuti oo la sheegay in ay dalka u yimaadeen in xoolaha Somaliland ee Sucuudigu joojiyay in ay Jabuuti ka dhoofaan,ayaa  yidhi. “Hadalkaasi waa kii suuqa laga lahaa Dawladduna waxay dhoofka Xoolaha la joojiyay kala hadlaysaa oo keliya Boqortooyada dalka Sucuudiga oo qudha oo ay ka wada hadlayaan in xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Sucuudiga u dhexeeyay in ay soo celiyaan oo suuqii  Xoolaha dib u furaan,waxaanay Somaliland Sucuudiga ku qancinaysaa in aanay Xoolaha Somaliland ay caafimaad qabaan oo aanay bukin.

Dhinaca kale Weftiga dalka Jabuuti waxaa uu dalka ku yimi marti qaad rasmi ah oo aanu u fidinay waxaanu daarran yahay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal iyo sii xoojintiisa xidhiidhkaasoo ah mid aad u wanaagsan oo ganacsi, isu socod iyo ammaanba leh,waxaana  dhawaanna Somaliland ka teki doona wefti balaadhan oo sii amba qaadi doona wada hadalada labada dal iyo xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee Somaliland iyo Jabuuti.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

Xigasho W/Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland