Ninku siray wax kuu sheeg. (Singub).
Waxaa jirtay in siyaasiyiin badan oo qaarkood dalka maanta joogaan ay dhalinyarannimadoodii si degdeg ah oo firfircoon ula jaan qaadeen siyaasadda sidoo kalena ay qayb ka noqdeen dhinacyada ku hirdamaya awoodda ugu saraysa dalka, hase yeeshee moddo uun kadibna albaabkii siyaasadda ay ka soo galeen dib uga baxay sidaana kaga baxay saaxadda.
waxyaabaha loo nisbaynayo fashilka ku yimi himiladii raggaas ayaa lagu soo koobaa dhawr qodob oo aanay bulshadu maqalkooda habayaatee jeclay, inkastoo raggaas loo hanweynaa markii ay soo shaac baxeen haddana waxa ay ku keceen ficillo ka mida ficillada aan dadkeenu dhaqan ahaan ceebta u yaqaannaan, taasina ay keentay in ay ka nuuxsan kariwaayeen khaladkaas siyaasiga ah ee lumiyay kalsoonidii lagu qabi lahaa.
waxaa jira hadallo iyo xogo sir ubadan oo ay muhiim tahay in aad ilaaliso inta ugu badan noloshaada marka aad garaad ahaan tahay qof dhisan , sirta iyo xogta u baahan in la qariyo oo la asturo iskuma jirto, balse waxaa jira qof iyo qofaf aad muddo la socotay la shaqaysay waxbadan aad wadaagteen sir iyo caadba idinkoo isu sanbannaan.
Inta badan dadku wuu is qabtaa ka dibna qof aad meel iyo cid ku ogayd ayaa isbeddel ku yimaaddaa aragtidii uu shalay ku shaqaynayay ayuu ka barakacaa dabadeed halkii lagu ogaa ayuu ka tagaa, guri kale ayuu u guura wixii intaas ka danbeeya qofku laba ayuun buu mid noqdaa.
waa ta hore’e wuxuu noqdaa qof leh khanan uu ku kala xadeeyo xogta ku daahan, weliba wixii sir ah ee aan u baahnayn in la sheeg sheego ama laga maqlo waa in uu ku xaseeyo khananka uurkiisa jira, oo noqdaa qof sir xejin leh oo la aamini karo. waayo sharaftiisa ayay kor uqaadaysaa haddiise qofku sheeg sheego isaga oo faan iyo dagaal u haysta hubsiimo la’aanta haysa keliya qofkaasi waxa uu bulshada ka dhaxlaa magac-xumo loo geeyay in guud ahaan ba laga aaminbaxo oo xataa kalsooni fiican aanu ka heli karin dadka ka taliya halka markaa joogo ee uu uga soo digo rogtay kobtii lagu yaqaanaynay.
inta badan dhibkaas waxa qofka ku kalifaya in uu dhaawac u gaysto naftiisa caadifadda nafsiga ah ee ku lammaan qalbigiisa iyo waayo aragnimo la’aan xoog badan oo haysata.
gundhigga hadalkan haddaan saafo waa muhiim in uu waxuun ka dheegto Muniir Axmed Cigaal waayo waxay anfacaysaa mustaqbalkiisa ,wakhtigan Muniirka aynu la hadlaynaa keliya laba bilood ayuu ku jiray Xisbi siyaasadeedka Waddani haddana wuxuu ku tiraabay hadallo aan kobcinayn siyaasadda xisbigiisa waxa uu bulshada u sheegay ama maqashiiyay aflagaadooyin ku wajahan Masuuliyiin xil qaran ummadda u haya isagoo ula hadlaya hab ka baxsan anshaxa guud ee siyaasadda hanaqaaday ee dalka ka jirta waxa ay ahayd in uu Muniir soo dheegto habkii iyo hanaankii ragga uu maanta caayayaa ay shalay u mucaaradeen iyo sifhiii ay shacabka u nacsiiyeen xukuumaddii rayaale sababtoo ah mucaaradaddaasi waxay ahayd middii najaxday ee u horraysay uguna danbaysay ee dalka ka hirgasha.
Mar haddii uu diiday MuniirAaxmed Cigaal in uu maro waddadiii uu ka soo daahay ee uu hore u jeexay Axmed Siilaanyo ee lagu layliyay ragga uu maanta ku ceeboobay wax ka sheegayo kuna cid waayay Soo hadal qaadkooda waxaa suurta gal ah in la arko maalin aan fogayn haddii eebe idmo Muniir oo guud ahaan iyo gaar ahaanba xisbiga Waddani hoggaankiisa oo ay kow kayihiin Xirsi iyo Cirro ay ka xan qarsadaan, wiilkaas iyaga oo ku go’aan qaadanaya sida uu fagaaraha uga sheegsheegayo arrimihii hoose ee gaarka ahaa ee ay wadaageen ama aanay wadaagin rag badan oo soo gacan qabtay, sidoo kalena waxaa dhicikarta Muniir hadba halka uu ku sugan yahayna in laga baydho tusaale ahaan sida looga caago meesha lagu ogyahay in ay ku aasan tahay jalfista qaraxda oo kale.
hogaanka xisbigu xilligan iyo marwalba wuxuu ka cabsiqaba in uu wax ka duubo waanuu ka duubikaraa laakiin waxaa soo ifbaxay walaac badan oo xisbigu gun iyo baar ka muujiyay muniir waxaana la iswaydiiyay mar haddii uu sidan uhadlayo ay berrina suurta gal tahay in muniir iyo raga lasafan iyo xisbigu ay aragtida isu fahmi waayaan sidaa awgeedna ay dhacdo in uu ku aar goosto warbaahinta uu maamulo taasina waxa ay muujinaysaa in weli xisbiga waddani Siyaasi aau u aqoonsan Muniir axmed Cigaal balse uu yahay nin wargays haysta SHakiga laga muujiyay iyo fadeexadda soo foodsaartay waxaa u soo jiiday afkiisa
Sababtoo ah dhalliil maaha in aad masuul qaran oo shalay aad la joogtay, maantana aad kala aragti tihiin, ku eedayso maalin ayuu sidaa igu yidhi iyo maalin uu taleefan ku hadlayay hebel ayuu xamanayay. Mana aha dhaqan lagugu la socon karo. Ee waa dhaqan dadka kaa dhex saaraya.
Ilaa hadda Muniir waxa uu ka marag kacay in aanu habayaraatee Calooshiisu lahayn wax khanan ah oo uu ku kala qariyo dhacdo siyaasadeedkii faqqa ahaa ee uu u soojoogay shalay iyo tan maanta Xisbiga waddani uu la wadaagayo,waxaan kaga baxayaa meerisikan sirta nolosha
Naftu seeto yay waayin
hana falin sidaad doonto…………. Hadraawi
Dabeecaddii iyo dhaqankii uu muniir warbaahinta kula jiray iyo Samaale iyo rag kale oo sharaf qarankan ku leh waa qormada tan xigta ee la socod fiican.
Qalinkii Abdisatar Sabri
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland