Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Siyaasi Xasan Cismaan Sabce oo ahaa guddoomiyihiii Garabka Jamaal Cali Xuseen ay doorteen isla markaana guddoomiye u ahaa xubnihii ay u xil saareen wada hadalada labada Xisbi garabkaasi uu la bilaabay,ayaa sheegay in uu ku gacan saaydhay lacag Jamaal Cali Xuseen uu ku baacayay oo uu sheegay in uu uga soo qaadayo KULMIYE iyagana uu ka codsaday in ay ku raacaan in ay KUMLMIYE ku biiraan.
Mr. Sabce oo ka jawaabayay hadalo Jamaal ka soo yeedhay,ayaa intaa ku daray in ay muddo sha n sanadood ah in ay Jamaal garab taagnaayeen kuna raacsanaayeen wax kasta oo uu doonayo oo ay ku dagaalamayeen magiciisa.
Waxaanu yidhi “Shan sannadood ayaanu Jamaal la soo shaqaynaynay, shantaaba daacad ayaanu kula soo shaqaynayay, waxaanu ahayn raggii ka tagi waayay ee magaciisa ku dagaalamayay.”
Isagoo ka hadlaya natiijadii ay ka gaadheen wada hadaladii labada xisbi oo ay Jamaal kula noqdeen wuxuu yidhi “Waanu kula noqonay wixii ka soo baxay labada dhinacba waanu u sheegnay,Jamaal been kumaanu aqoon oo wuxuu nagu yidhi ‘shantiinaasi u taliya xisbiga’ anigu labada midna geli maayee, waa runtiisa runa wuu ka sheegay.”
Mar uu ka hadlayay hadal isaga iyo Jamaal gooni u dhex maray waxaa uu yidhi “Jamaal wuxuu aniga gaarnimo iigu sheegay haddii aad guri leedahay oo lagaa dumiyo yaad gurigii ku leedahay saw maaha ciddii kaa dumisay, Haa ayaan ku idhi laakiin lacagtaad doonaysaa waa intee, waddaniba waa laga soo qaadiyee. Jamaal wuxuu noo keenay in shantayadii oo uu nin ka reebay laba kalena ku daray in nin walba looga soo qaadayo bil walba kun dollar oo guno ah yaa ilaa inta muuse helayo.”
Xasan Sabce,ayaa intaa ku daray in ay Jamaal ku gacan saydheen oo ay ku diideen lacagta uu KULMIYE sheegay in u uga soo qaadayo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland