Wasiirka Dhaqanka oo intaanu Xilka la Wareegin Weerar Siyaasadeedkii u horreeyay ku Qaaday Mucaaridka iyo Dad uu Sheegay in ay Kursigiisa Hungureeyeen

0
273

Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Wasiirka  cusub ee   Wasaaradda   dhaqanka iyo  dalxiiiska Jamhuuriyadda  Somaliland,   Khadar  Xaaji Yuusuf, ayaa isagoo aan wali xilkiiba la wareegin weerar durba u jawaabay  siyaasiyiinta mucaaridka ah

Wasiirka   oo maanta  magaaladda Hargaysa kula hadlay  warbaahinta  ayaa   sheegay  in   siyaasiga  Ismaaciil   Buubaa   dhawr iyo labaatan  sanno in uu  ku hawlanaa burburinta qaranimada Somaliland, isla markaana uu imika  shaadh kale u soo huwaday shacabka Somaliland.

wasirka dalxiiska

“Ismaaciil Buubaa,  waxa uu dhaliil ka dhigayay   wasaaradda  cusub  ee   madaxweynuhu  ii magacaabay,  iyadoo ay doorashadii dhowdahay in uu ku dhawaaqay. waxaan   leeyahay   Ismaaciil   Buubaa    dhawr iyo labaatan sanno ayaad waddankan  dilaal ka ahayd   oo aad magacoooda iyo  sharaftooda  aad iibsanaysay  iyo sidii loo burburin lahaa Somaliland oo aad ka shaqaynaysay,   imikana adiga  oo shaadh kale huwan   ayaad halkan la joogtaa,”ayuu yidhi Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu intaa raaciyay     “Wasaaraddu haddii ay cusub tahay bil keliyana xukuumadda ha  u hadhee miyaanad ogayn in xukuumadda ka dambaysaa   ay halkaa ka sii wadayso shaqada wasaaradda”

Geesta  kale Wasiirku waxa     uu usheegay   in siyaasiyiin ka tirsan xisbiga  WADDANI oo   ay isku jufo yihiin  ay hun gureeyeen xilka loo magacaabay. Waxaanu  xubnahaasi u soo jeediyay in ay daacad u noqdaan xisbiga ay ka tirsan yihiin ee WADDANI.waxaannu yidhi  “Markii la soo geliyay suuqa  in aan iska casilay xilkii la ii magacaabay iyadoo aanay    waxba ka  jirin arrintaas, waxaanay ahayd saluug,      waxaanan ogaaday oo aan ka faa’iiday, wax  badan oo ku saabsan xisbiga  WADDANI   iyo dadka  aanu   isku reerka    nahay ee  ku  jira       xisbigaasi,     oo markiiba  xagga xukuumadda  u soo yaacay,  markii ay maqleen wuu is-casilay. Waxaan  kula  talin  lahaa siyaasiyiintaasi   in ay daacad u noqdaan kolba xisbiga ay joogaan ama KULMIYE  ha  noqdo ama WADDANI.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland