Garabkii Jamaal Cali Xuseen oo ku Dhawaaqay in ay WADDANI ku Biireen iyo Hoogaamiyahoodii oo ka Hadhay

0
348

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Jamaal Cali Xuseen ayaa ku gacan saydhay xbnihii garabkiisa ee ay ka soo wada go’een Xisbiga UCID oo  ku dhawaaqay in ay ku biireen XAISBIGA Mucaaridka ah ee WADDANI ka dib markii ay kulamo la yeesheen labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo wada hadallo maalmo kala duwan qabsoomay ay u bilaabmeen.

Waxaanu  Jamaal Cali Xuseen ka dhawaajiyay in guddidii garabkooda u qaabilsanayd wada hadalada ay la fureen xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay kala jabeen, isagoo sheegay in xubnaha ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga WADDANI aanay matalin garabkooda isna uu go’aan ka qaadan doono xisbiga uu ku biirayo.

jamaal

Waxaana Jamaal oo arrimahaasi ka hadlaya uu yidhi sida tan

“Runtii way deg-dageen ragaasi,guddidii ayaa kala jabtay markaa inay nimankaasi deg degaan oo dadk afduubaan may ahayn,markaa meel aanu ku biirnay ma jirto oo aniga oo ah hoggaamiyihiina markaas waa inaan go’aan qaataa haddii la kala jabay sidaas ,ayaan ku wargalinayaa,laakin go’aan garabkayga ah maaha go’aankaasi waa go’aan shakhsiyaad ka mid ah garabkaygii haddii ay go’aan qaateena iyaga ayay jirta”

Is-khilaafka durba soo kala dhex galay garabkoodii wada socday ee uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen,ayaa noqonaysa mid muujinaysa in aanay jirin qorshe cad oo ay kusoo wada guureen oo ay kaga yimaadeen Xisbigii UCID ama yool cad oo uga yaallay wada hadalada ay laba Xsibi la fureen iyo sahanka ay dirteen halka uu u rarayo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland