Danjiraha Somaliland ee Itoobiya oo ka Hadlay Magacaabistiisa

0
336

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe),ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in uu diiday xilka Madaxweynuhu  u magcaabay ee ah Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.

Danjire Cali waxaa uu intaa ku daray in uu diyaar u yahay in uu u shaqeeyo qarankiisa waxaanu Madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay xilka  uu u igmaday.

1-14-90x90

“Waan ku qanacsanahay xilkaa lay magacaaba,madaxwaynaha Somaliland-na waan uga mahadcelinayaa xilkaas uu ii magacaabay waana soo dhawaynayaa xilkaas”sidaas ayuu yidhi Ex Wasiir Cali Shoombe

 Sidoo kale Danjire  Cali  waxa uu  Meesha ka saaray warar sheegay in uu saluugsan yahay xilkaasi madaxwaynuhu xalay u magaacaabay ee ah safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya waxaana uu yidhi

 “Waxba kama jiraan wararkaas sheegaya in aan diidanay xilka lay magacaabay aniguna xilkaas waan soo dhawaynayaa waana ku qanacsanahay” sidaas ayuu yidhi Ex Wasiir Cali Shoombe

Danjire Cali Shoombe,ayaa loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya oo ah dal Dublamaasiyan muhiim ah oo caalamka iyo afrika isku xidha waana dalkii labaad ee uu Danjire Cali Xuseen Ismaaciil ka noqodo Safiir waxaanu hire u soo noqday safiirka Somaliland ee dalka Kenya isagoo mudadii uu dalkaa u joogay Somaliland wax  badan ka qabtay xidhiidhka labada dal.

Imikana waxaa uu ahaa inaan loo magacaabin Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka taasoo uu wax badan ku soo kordhiyay mudadii uu xilkeeda hayay isla markaana uu dar dar galiyay hannaanka wada shaqayneed ee Hay’addaha daalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawl gala iyo dawladda.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland