Baarlamaanka Puntland oo Dib ugu Celiyay Wasiirka Hawlaha Guud Xeer uu Somaliland Ka Xaday

0
293

Garowe(Xogsoormedia.com):- Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland,ayaa dib ugu celiyay Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland  Cabdirashid Xirsi Maxamad oo u soo gudbiyay bug ka hadlaya Xeer Nidaamiyaha Magaalooyinka Puntland oo ay ku caddahay xeerka in Somaliland leedahay oo laga soo koobiyeeyay waxna aan laga bedelin.

Buugaan oo hore ay usoo ansaxiyeen golaha Wasiirada Puntland ayay  ka muuqadaan magacyada gobolada iyo erey bixinno u gaar ah   dowlada Somaliland.

puntland

” Xildhibanada Barlamanka waxay la yaabeen in wasiirka howlaha guud ee Puntland ku guuldareysto inuu soo bandhigo cilmi baaris xeerkaani ku qotomo kaasoo ay leedahay Puntland balse waxaa nasiib daro ah in maamulka Puntland oo 18 jirsadey soo minguuriyo maanta Xeer dowlada Somaliland horey u soo bandhigtey islamarkaana ay muuqadaan gudihiisa magacyada gobolada iyo qaab dhismeedka dowladeed ee Somaliland.” Sidaas waxaa yiri xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo diidey in magaciisa aan xusno.

Buugaan loogu magacdarey Xeer nidaamiyaha magaalooyinka Puntland oo xildhibaanada baralamanku dib u celiyeen ayaa bogiisa 9aad farqada 1.2.2 taasoo cinwaankoodu yahay qorshe goobeedka Heer gobol ayaa waxaa uu sheegayaa; guddiga qorsheynta magaalooyinka Qaranka iyo xafiisyada gudoomiyeyaasha gobolada ayaa ka mas’uul ah diyaarinta qorsheyaasha goobaha Lixda gobol ee kala ah Maroodi-Jeer, Togdheer, Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil islamarkaana iyaga ayaa ka mas’uul ah dib u eegista tobankii sanadba mar.

 q,b02

Dhinaca kale bogga 12aad ee bugaan farqadiisa 1.3 waxaa ka muuqda qaab  dhismeedka xukuumadeed ee Somaliland kaasoo aan wax shuqul ah ku laheyn nidaamka xukuumadeed ee dowlada Puntland sida iyadoo ay ku qoran tahay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaarada Macdanta iyo biyaha wasaarada hurumarinta reer miyiga halka sidoo kale meelo badan lagu xusayo guddiyada qorsheynta magaalooyinka qaranka.

Barlamanka Puntland oo dood ka yeeshey sababta ay ku dhacdey in buugaan qabyada ah la horkeeno ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay qaar kamid ah xildhibanada waxay soo jeediyeen in mooshin loo qaado wasiirka howlaha guud ee Puntland halka kuwa kale eedeyn dusha uga tureen golaha Wasiirada oo iyagu markii hore soo ansaxiyey Xeerkaan.

q,b02

Wararka aan ka helyno Barlamanka Puntland ayaa sheegaya in dood badan kadib xildhibanada go’aansadeen in dib ugu celiyaan xeerkaan wasaarada howlaha guud islamarkaana doodiisa iyo ansaxintiisa la keeno kafahdiga dambe ee aqalka wakiilada.

Aqalka wakiilada Puntland oo ku guda jira kafdhigiisa 39aad ayaa wararka laga helayo sheegayaan in ay ka muuqato habacsanaan ku aadan arimahooda shaqo iyadoo xogaha laga helayo xusayaan in talabadaan ku lug leeyihiin xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Wasiirka howlaha guud ee Puntland oo mudooyinkaan dambe ku maqnaa magaalada Galkacyo isagoo kamid ah xubnaha aadka dabada uga riixayay in xarunta gobolka Mudug laga hirgaliyo saylad lagu iibiyo xoolaha nool ayaa weli ka hadlin dib u celinta xeerkaan.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com  

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland