“Puntland Ma Aqbalayso in loo Yeedho Xildhibaanada Iyadoo aanay soo Dhammaan Xubnaha Labada Gole.” Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

0
326

Garowe(Xogsoormedia.com):- Madaxda Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa ku hanjabay in ay ka bixi doonaan hannaanka doorasho ee ka socda Soomaaliya oo ay sabab uga dhigen in ay jiraan tallaabooyin sharci darro ay ku sheegeen oo ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Camay ayaa intaa ku daray in aanay u dul qaadan doonin illaa ay soo dhamaadaan xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya loo soodooranayaa in xubno ka mid ah la dhaariyo oo ay go’aan ka gaadhaan doorasha Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa nasiib darro ah inaan maqlayno in dowladda federaalku ay soo wacayso xidlhibaano jooga gobolada oo ay leedahay kaalaya waanu idin dhaarinaynaaye, xagee u dhaarinaysaan doorashadii ayaaba socotee. Waxaan leenahay hala joojiyo ficiladaas aan loo baahnayn ee Mindi-raaciska ah,” ayuu yidhi Eng. Camey.

Hadaba   halkan ka daawo

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Hargeisa Somaliland