Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland,ayaa laga hor joogsaday in uu galo Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ka qayb galo shirka golaha wasiiradda ka dib markii ciidankla illaalada Madaxtooyadu ay sheegeen in la baadhayo oo aanu gelayn Madaxtooyda illaa la baadho taasoo uu wasiirkuna diiday.
Wasiirka wasaarada Khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa uu shabakada Ilaysnews.com u caddeeyey in laga hor istaagay in uu gudaha u galo madaxtooyada
Wasiirka ayaa intaa ku daray in saaka isaga oo raba in uu madaxtooyada galo si uu uga qeyb galo shirkii golaha wasiirada markii uu gaadhey kadinka madaxtooyada lagu war galiyey in la baadho isla markaana uu arintaasi ku gacan seydhay .
Muddane Baashe Cali Jaamac Wasiirka biyaha Somaliland waxaa uu sheegay in aanu garaneen sababta isaga oo wasiir ah oo xasanad qaranka u haya hadana ciidanka madaxtooyada amarka loogu siiyey in la baadho
Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in murankii ka dhaxeeyey isaga iyo ciidanka madaxtooyada ay soo kala dhex galeen laba wasiir oo uu ku sheegay wasiirka Warfaafinta Mr.Cadaani iyo wasiirka gaashandhiga Mr. Cadami isla markaana ay ku war galiyeen in ay madaxweynaha u tagi doonan oo ay arintaasi ku soo war galin doonan isna iska noqdo .
Dhinca kale wasiirka ayaa waxaa uu ka cudur daartey in wax muuqaal ah laga duubo ka dib markii saxfiyiin ay u tageeen.
Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland Shuceyb Maxamed Muuse ayaa isla maanta duhurkii ergo ugu yimid wasiirka biyaha si uu u dhex dhexaadin arintan uga galo .
Wasiirka Khayraadka Biyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in uu shaqada ka joojiyay Agaasimihiisa guud oo uu sheegay in ay wada shaqayn kari waayeen waxaanu ku adkaystay in aanu la shaqayanay oo wasaaradda uu amarkiisu ka soconayo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland