Burco(Xogsoormedia.com):- Tuulada Gumbur -libaax oo dhanka fuunfur Bari ka xigta magaalada Burco kana tirsan gobolka Togdheer ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad halkaa ku dhex maray laba beelood oo wada dega waxaana ku dhintay hal nin.
waxaana dhacdadaas ka hawl galay ciidanka Booliska gobolka Togdheer oo soo qabtay dhawr qof oo shaqaaqadaa lala xidhiidhinayo oo mid dhaawac yahay.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo u waramay shabakada Xogsoormedia.com,ayaa u xaqiijiyay dhimashada hal nin iyo dhawr qof oo ay dhacdadan u soo qabteen waxaanu yidhi.
“shalay ayay meesha la yidhaahdo Gumbur libaax isku dileen laba beelood oo halkaa wada dega qasaaraha ka dhashay ee dhimashona waa hal qof dadkii kiiskaa oo aanaynayana shan qof oo mid dhaawac yahay ayaanu soo qabanay imikana hawl gal ayaanu ku jirnaa warkaa wixii ka soo kordhana dib ayaanu ka soo sheegi doonaa.” sidaa waxaa yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer oo u waramayay shabakada Xogsoormedia.com.
Xogsoormedia24@gmail..com.
Xogsoormedia.com@gmail..com.
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somalilamd