Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga WADDANI,ayaa ka codsaday Xukuumadda Somaliland in loo ogolaado in ay kormeer ku tagaan Xabsiyada Dalka oo ay soo eegaan xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista dalka eek u xidhan jeelasha Somaliland.
Waraaq qoraal ah oo au ku socod siiyeen wasiirka cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Caddare, ayay ka codsadeen in uu u ogaalado inay kormeer kusoo sameeyeen xaalada guud ee jeelashada gobolada dalka iyo maxaabiista ku xidhan.
Waxaanna waraaqdan codsiga ah oo uu ku saxeexnaa xoghayaha cadaaladda xisbiga WADDANII haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Baatuun ay u dhignayd sida tan.
Ku:Wasiirka Cadaalada JSL 30/11/2016
Og:Komishanka xuquuqal insaanka Qaranka
Og:Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Ujeedo:Codsi Kor-Meer Jeelasha Dalka
Mudane: Wasiir
Ka dib markii aanu aragnay war-bixintii hay’adda Amnesty intranation, ka soo saartay qaar kamid ah xabsiyada dalka , annaga oo ka war-qabna dhacdooyinkii is-dabajooga ahaa ee ay ku jiraan dhimashadu dhawaan ka dhacday xabsiyada dalka, annagoo tix-gelin u hayna hawsha aad qaranka u hayso,waxaanu si milgo iyo maamuus leh kaaga codsanaynaa in aad noo ogolaato in aanu soo kormeerno muwaadiniinta maxaabiista ah ee xoriyaddooda laga qaaday ee ku jira jeelasha dalka, gaar ahaana magaalooyinkan
1)- Boorama
2)-Gabiley
3)-Hargeysa
4)-Berbera
5). Laascanood
6). Iyo Ceeriogaabo
Si aanu wax uga ogaanno xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin muwaadiniintaasi iyo sababaha keenaya dhibaatooyinka dhiilada leh ee ka soo noqnoqanaya Xabsiyada.
Waxaanu ku rajo-weynahay in aad noo ogolaato codsiga kor-meerkayagaas
Wabilaahi Tawfiiq
Barkhad Jaamac Batuun
Xoghayaha Cadaalada Xisbiga WADDANI
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland