Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaantay in Khilaaf iyo Musuq Maasuq dhexdooda ka Jiro

0
400

“Waxaanu baadi goobaynaa dad dibadda nagaga yimi oo falal tuugo ah ku kacay wararkanna iyaga ayaa soo abaabulay.” Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland,ayaa meesha ka saaray  in uu jiro khilaaf u dhexeeya masuuliyiinta ugu sarreeya wasaaradaas iyo  in  uu dhex maray dagaal  gacan ka hadal ah waxaanay been abuur cad ku tilmaameen waarr sheegayay in khilaaf lacago la lunsaday la xidiidhaa uu  ka dhex taagan yahay.

dhabbeeye

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo wargeyska Dawan xalay waraysi gaar ah siiyay,ayaa intaa raaciyay in ay ku dabo jiraan dad uu sheegay in ay tuugo kula kaceen tigidhadii ciyaaraha lagu galayay markii ay ciyaaraha goboladu socdeen.

“Horta Ciyaarihii gobolada ee sida wanaagsan inoogu dhamaaday waxaa ku baxayay qarash aad u  badan waxaanu  qarashkaasi ka imanayay laba qaybood oo kala ah Madaxweynaha oo qayb bixiyay iyo wasaarada oo qayb bixinaysay lacagta ka soo xeroonaysayna may ahayn mid la musuq maasuqi karo oo waxay ku dhacaysay qasnadda wasaaradda waxaana lagu bixinayay oo kaliya jeeg saxeeaxan hawlo ayaana lagu qabanayay oo wax aan hawl galu qabanayn oo aan qarashaad ahayn oo ka baxayay may jirin mana jiro wax khilaaf ah oo noo dhexeeya aniga iyo wasiirka iyo agaasime waaxeedka ciyaaraha mudadii aanu wada shaqaynayna wali hal mar ismaanu qaban markaa horta warka sheegaya in aanu isku dhacnay oo  uu khilaaf madaxda ugu sarraysa ee wasaaradda ka dhex taagan yahay waxba kama jiraan.” ayuu yidhi Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxa ka jira wararka sheegayay in  isaga iyo wasiirka uu khilaaf  soo kala dhex galay.

Agaasime Dhabbeeye oo ka jawaabayay in ay jirto lacag ka soo baxday tartankii ciyaaraha oo la lunsaday oo la isku haysto iyo juwano la sheegay in ay gooni gooni u samaysteen madaxda Wasaaradu oo faalso ah,ayaa yidhi. “Horta juwanada ciyaaraha lagu gelayay Wasaaradda ayaa gacanta ku haysay oo annaga ayaa lahayn markaa juwano aanu maamulkooda leenahay oo aanu anagu haysano sabab aanu u foojariyaysano garan maayo, ta labaad lacagta ka soo baxaysay maba aha waxan lagu sheegayo oo may ahayn wax la yidhaahdo waa la lunsaday oo shaqo joogto ah ayaaba lagu qabanayay,laakiin waxaa jira dad aanu ku qabanay juwano faalso ah oo isugu jira kuwa canshuuraha maalinlaha ah ee dawladda hoose iyo kuwii ciyaaraha lagu gelayay oo ciidanku xidhay dadkaas oo ay baadhisi ku socoto imikana u xidhan.

Waxaa kale oo aanu baadi  goobaynaa oo daba gal aanu ku haynaa dad dibedda nagaga yimi oo falal tuugo ah ku kacay wararkanna iyaga ayaa soo abaabulay oo ku raad gadanaya, wargayskii warkaa qorayna waanu is aragnay waxaanay noo sheegeen in qaladkaa ay saxayaan oo uu dhankooda ka dhacay mana garan  karno sababta ku kaliftay been abuurka intaa leeg laakiin haddii ay warkaa beenta ah  iyagu waajibkooda ka mari waayaan waxaanu ku kala bixi doonaa sharciga.”ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo  wargayska Dawan u waramay.

 

Xigasho W/Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland