Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Bare sare/abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa suugaanyahanka iyo barayaasha caanka ka ahaa guud ahaan dalalka Soomaalidu degto ee geeska afrika.
Marxuum/macalin/abwaan Maxamed Jaamac Kayd ayaa ka mid ahaa abwaanada curinta suugaanta kaga jiray safka hore isla markaana ku gudbin jiray hannaan ku aroora dhaqanka Soomaalida oo uu xayndaab uga dhigi jiray suugaantiisa.
Waxaanu hibo u lahaa laba barbaarinood oo umadda Soomaaliyeed ay aad ugu xasuusan doonto oo uu in badan ku soo ababiyay oo kala ah Suugaan iyo tacliin.
Waxaa uu sameeyay riwaayado badan oo ay oo bandhigeen kooxdii fannaaniinta hobolada Waabari waxaana ka mid ahaa riwaayada uu curiyay Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd NIN ILLAAHAY WAKIISHAY CALAFKIISA MA WAAYO.
Waxaa kale oo uu ahaa qoraa iyo taariikh yahan in badan wax ka qoray taariikho badan oo uu u soo joogay ama uu ka uruuriyay Maskaxda umadda.
Marxuum Maxamed Jaamac Kayd waxaa uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur
ALLE ha u naxariistee marxuumka aroorta ayaa aas qaran lagu sagootiyi doonaa.
ALLE ha u naxariisto qoyskii qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxayna ALLE samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo