Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhirbaaxadii ugu horrasay ee siyaasadeed kala kulmay dalka Ingiriiska oo hadal ka soo yeedhay Donald Trump ku sheegay mid aan suuragal ahayn.
Dawladda Ingiriiska ayaa meesha ka saartay doonista Madaxweyne Trump uu ku xushay in ingiiisku dalkiisa safiir ugu soo magacawdaan Nigel Farage oo uu sheegay in uu yahay shaqsi hawl kar ah oo wax badan qaban kara.
Laakiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda Britain ayaa ku gacan seydhay baaqa ka soo yeedhay Donald Trump ee uu dowladda Britain ka dalbaday inay wakiilkeeda Washington u magacowdo Nigel Farage oo hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololihii Ingiriisku kaga baxeyay Midowga Yurub.
Xafiiska Raysal-wasaaraha Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda aanay bannaanayn isla marklaana uu joogo qof ku habbooni.
Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub David Davis ayaa sheegay in safiirka Britain ee Maraykanka Sir Kim Darroch uu yahay safiir aad u fiican sanado badana ay u badan tahay inuu sii hayn doono xilkaasi.
Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Twiteer-ka. “Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan Mr Farage oo ah wakiilka Britain u qaabilsan Maraykanka. Shaqo adag ayuu qaban lahaa”, ayuu qoray Donald Trump
Maalqabeenkan ku layliga ah siyaasadda eek u guulaystay Madaxweynenimada dalka Maraykanka ayaa la saadaalinayaa in uu ku hafan doono siyaasadda caalamka marka loo eego halka uu kaga jiro dalka Maraykanku iyo ta gudaha dalkiisaba waxaana laga filayaa in uu dalal badan oo ay xuluufo Maraykanka yihiin in uu mad madaw siyaasadeed ka dhex abuurmi doono haddii aanu wax badan la taliyeyaal rug caddaa ah u samaysan
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland