Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wiil yar oo 12 jir ah ayaa la xaqiijiyay in uu harraad ugu dhintay deegaanka Coodlane oo kla tirsan gobolka Buuhoodle halkaas oo ay isugu tageen dadka abaarta ka soo hayaamay.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Mudane Maxamed Diiriye Xayd oo shabakada Xogsoormedia.com wax ka waydiisay xaaladda abaarta ayaa sheegay n ay jirto dhimashada wiil yar oo harraad ugu dhintay deegaanka Coodanle waxaanu intaa ku daray in aanay wali hayn meel uu roob ka curtay.
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay halka dhimashadu ka dhacday ayaa yidhi. “wiil yar 12 jir ah ayaa harraad ugu dhintay deegaanka Coodanle xaaladuna way adag tahay.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay in uu jiro meel uu roob ka curtay ayaa ku jawaabay. “Maya meelna roob kumaanu maqal laakiin raxmadda ALLE waynu sugaynaa.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland