W/wararka(Xogsoormedia.com):- Hillary Clinton ayaa markii ugu horaysay ka dib guul darradii ka qabsatay doorashadii Madaxtooyada Maraykanka dibada u soo baxday isla markaana la hadashay taageerayaasheeda.
khudbad ka jeedisay, waxaanay ka warantay heerka niyad jabkii guul darada doorashadu ka gaadhay.
Fagaare ay kummanaan qof oo taageersani isugu soo baxeen ayay Hillary Clinton ka jeedisay khudbad dareenka muwaadiniinta Maraykan ay kula hadlayso, waxaanay u sheegtay in tan iyo habeenkii ay ku guul darraysatay doorashada aqalka cad ee dalkaas looga taliyo in aanay dibad u soo bixin, buug akhris iyo fadhiga gurigeedana ay ku ekayd
Waxaanay dadka reer Maraykan ee taageersanaa ay kula dardaarantay Clinton haddii ay dhici wayday sidii ay doonayeen in loo baahan yahay inaan waddanku ka burburin oo laga wada shaqeeyo dib u midaynta shacabka iyo sidii ugu yaraan loo abuuri lahaa, wax ku dhow mustaqbalkii ay doonayeen iyada iyo taageerayaasheedu.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland