Somaliland iyo Jabuuti oo Wada Raadinaya Diyaarad Millatari oo Sharci Darro ku soo Cago Dhigatay Deegaanka Bariisle ee Gobolka Selal

0
379

Lawyacaddo(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha gobolka Selal, Axmed Maxamed Xaashi,ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay ka wada hadleen isla markaana ku gudo jiraan baadhitaanno lagu raad goobayo diyaarad Millatari oo  kuwa qumaatiga u kaca ah oo  iyadoo aan wax ogolaansho ah ka  haysan dawladda Somaliland si  sharci darro ah u soo fadhiisatay deegaanka Bariisle oo u dhow  magaalo xuduudeedka  Lawyacaddo ee ay Somaliland iyo Jabuuti wadaagaan.

Guddoomiye Axmed Maxamed, ayaa intaa ku daray in goor maqrib ku dhawaad ah in diyaarad millatari oo aan la garanayn cid leh  in ay soo fadhiisatay deegaanka Bariisle isla markii ay soo fadhiisatayna ciidanka qaranka oo ka ag dhawaa goobta ay ku soo degtay diyaaraddu in ay ka hawl galeen kuna dhaqaaqeen laakiin  intii aanay gaadhin ayay dib u kacday oo ay  u duushay dhanka dalka Jabuuti.

helikobtar

Waxaanu sidaa ku sheegay guddoomiyaha gobolka Selal waraysi uu xalay khadka taleefanka ku siiyay wargeyska DAWAN,  isagoo ku sugan magaalaDda Lawyacaddo.

 Guddoomiyaha oo aanu waydiinay socdaal uu shalay dalka Jabuuti kaga soo noqday iyo arrimaha uu u tegay, waxaannu yidh, “Waxaan dalka Jabuuti u tegay in aanu  ogaano diyaarad Millatari oo ah kuwa qumaatiga  u kaca oo habeen afraad  makhribkii soo fadhiisatay deegaanka Bariisle  ciddii lahayd iyo ujeeddada ay u socotay hawshaas ayaan u tegay Jabuuti waxaanan u sii marnay Safaaradda Somaliland ee aynu ku leenahay Jabuuti.”

 “Horta wakhtiga  ay soo fadhiisatay waxay ahayd  goor habeen ah oo shaacu madoobaaday oo makhrib ku dhawaad ah ayay  ahayd, markii ay soo degtayna waxa ku dhaqaaqay oo ku baxay ciidanka qaranka oo halka ay soo fadhiisatay ku dhawaa laakiin intii aanay gaadhin ayay kacday. Waxaanay  u duushay dhanka  dalka Jabuuti oo ay  markii horena ka timi markaa illaa imika baadhis ayaanu wada wadnaa dalka Jabuuti oo aan u tegay arrinta diyaaraddaas iyo cidda leh soo ogaanshiyaheeda.

Dawladda Jabuutina si wanaagsan ayay uga hawl gashay markaa Jabuuti waxay noo sheegtay in aanay diyaaraddaas iyagu lahayn laakiin ay badhitaan samaynayaan oo ay xaqiijinaaan dalka laga leeyahay iyo sababta ay Somaliland ugu soo xad gudubtay ee ay u soo fadhiisatay ugana noqotay iyadoo dadka watay aanay cidna la kulmin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Selal.

Xigasho wargeyska Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland