Ruushka oo ku Biiray Dalalka ka Baxaya Maxkamadda ICC iyo Madaxweyne Putin oo saxeexay

0
316

W/wararka(Xogsoormedia.com):- Dalka Ruushka,ayaa ku biiray  isla markaana ka mid noqday dalalka ka axaya Maxkamadda  dambiyada caalamiga ah ee ICC  oo ay hore dalal ka tirsan qaaradda Afriga  u caddeeyeen in ay ka baxayaan xubinnimada Maxkamadda ICIC.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa saxeexay xeer Ruushka u saamaxaya inuu ka baxo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC).

putin

Ruushka ayaa wax ka saxeexay heshiiskii lagu unkay maxkamaddaas fadhigeedu yahay magaalada The Hague, sannadkii 2000, laakin marnaba muu meel marin

Horraantii todobaadkan ayaa dacwad ooge ka tirsan maxkamadda ICC wuxuu soo saaray warbixin ku saabsan ku darsamiddii uu gobolka Crimea ku darsamay Ruushka, ka dib dagaal dhex maray Ruushka iyo Ukraine oo Ruushka loo arkay inuu duullaanka soo qaaday.

Sharciyadda maxkamadda ICC ayaa ku qotonta afar rukun oo ah dambiyada caalamiga, waxayna kala yihiin xasuuq, dambiyada dhanka ka ah bani’aadminimada, dambiyada dagaalka, iyo dambiyada duullaanka.

Ka bixidda ruushka  ee maxkadda ICC,ayaa la saadaalinayaa in uu hor seed u noqdo bur burka Maxkadda ICC oo inta badan beegsata amma waarano qabasho u soo goysa hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda afrika oo kaliya.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland