Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay ka go’an tahay xukuumadiisa sii waddida iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha dalka, si dhallinyaradu isu dhex galaan oo ay u horumariyaan xirfadooda ciyaareed.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad uu maanta qasriga madaxtooyadda ugu sameeyay labadii xul ee Awdal iyo Saaxil ee iskugu soo hadhay ciyaartii kama dambaysta tartankii ciyaaraha gobollada ee kubadda cagta oo Sabtidii toddobaadkan xulka gobolka Awdal ku guulaysteen 2-1 xulkii gobolka Saaxil. Madaxweynuhu waxa uu kulan sagootis ah la yeeshay labadaas xul oo Awdal-na ay ku guulaysteen koobkii kubadda cagta, halka xulka Saaxil-na hanteen koobkii kubadda kolleyga ee ciyaaraha gobollada isla markaana ay kaalinta labaad galeen tartankii kubadda cagta.
“Farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta(shalay) halkan ku kulanno, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhallinyarada iyo dalka.
Annaguna dawlad ahaan, waanu dhiirigelinaynaa, kooxihii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan, sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa. qaranka ayey muhiimad gaar ah u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhex-galka bulshadda, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin kooxihiinii guulaystayna waxaan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Cabdilaahi Faarax Maydhane oo madaxweynaha ka hor kulankaas sagootiska ahaa ka hadlay, ayaa sheegay inay madaxweynaha uga mahad celinayaan kaalintii uu ka qaatay tartanka ciyaaraha gobollada ee Sabtidii la soo gabo-gabeeyay iyo kullamada dhiirigelinta ah ee uu u sameeyay ciyaar-yahannada dalka.
Geesta kalena, kulankaas ka hadlay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaannu yidhi, “ Mudane Madaxweyne maanta waxa halkan inoogu marti ah, ciyaartoyadii xulalka gobollada Awdal iyo Saaxil, ee ku guulaystay koobkii kubada cagta, koobkii kubada kolayga, iyo orodada. Waxa uu saaka halkan Madaxweynuhu idiinku marti qaaday in uu idiin hambalyeeyo idiinna sii duceeyo, farxad weyn ayey noo tahay inaad maanta qasrigii Madaxtooyada qarankeena noogu timaadaan nuxurka ugu wayni waxa weeye in laydin xuso.”
“Hogaamiyaha qaranku, waa astaanta umadda midaysa, umadda halka looga talinayaa waa halka umadda magaceeda iyo maamuuskeedu uu yaallo, waa wax weyn in dadka la maamuuso oo qaran waliba uu dadkiisa maamuuso, arrintaas waxaan jecelahay inaan dhallinyarada hoosta uga xariiqo, waxa laga yaabaa in qaarkiin aanay macno weyn idiin samayn karin, laakiin macno ayey xambaarsan yihiin kulamada noocan ahi,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu bogaadiyay xulalka guusha ka soo hooyay tartankii la soo gunaanaday, “Waxaan hambalyeynayaa ciyaartoyadii xulalkii koobabka ku guulaystay. Tartankii ciyaaraha gobollada dalku waxa uu ahaa tartan aad u qiimo badan, maalintii la furayna waanu ka qayb galnay annagoo wefti badan ah oo madaxweynuhuna hogaaminayo , maalintii la xidhayna waanu tagnay, wuxuu ahaa tartan qiimo badan oo isbedal weyni ka muuqdo qaabkii tartamada loo qaban jiray.”
“Mustaqbalka waxaanu xukuumad ahaan seeska u dhigaynaa oo Wasaaradda ciyaaruhu ay wadaa in tartanadii heerka koowaad (Serie A)-da, la qabto oo aanay noqon kuwo baaqda, qaranka gobol walba laba kooxood laga sameeyo ka dibna kolba gobol lagu ciyaaro, aakhirkana ay noqoto sida loo kala dhibco badan yahay, sidaas ayey wasaaraddu wadaa, annaguna waanu ka caawinaynaa, waanan u mahad naqayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha. sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa xidhiidhada oo diyaar garow fiican sameeyay,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda, Maxamuud Xaashi Cabdi.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland