Amnesty International oo Kenya uga Digtay inay Qasab ku Rarto Qaxootiga Soomaalida Dhadhaab

0
325

Dhadhaab (Xogsoormedia.com):-Ururka caalamiga ah ee u dooda xaquuqul insaanka ee Amnesty International (AI),ayaa dawladda Kenya uga digay in ay si qasab  ah ku rarto qaxootiga Soomaalida ah eek u jra xeryaha Dhadhaab ee dalkaa

Waxaanay AI sheegtay in dawladda Kenya ay ugu hanjabtay qaxootiga Soomaalida ah haddii ay si iskod ah u noqon waayaan in  madaxda Kenya ay ku war galisay qaxooiga Soomaalida ah in xoog lagu rari doono taasoo ay AI ku tilmaantay in ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda aadamaha  looa baahan yahay in aan qaxootiga si qasab ah loogu celin deegaano aanay ku noolaan karayn.

amnist

Waxay AI sheegeysaa in saraakiisha dawladda Kenya ay ugu dardaar wariyaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab in haddii aanay   si iskood ah ugu lnoqon  Soomaaliya wixii ka dambeeya dhammaadka bishan in qasab lagu rari doono oo Soomaaliya  lagu celin doono

AI waxay sidoo kale farta ku godday hayada QM gaar ahaan laanta UNHCR oo ay sheegtay inaysan si wanaagsan usiin qaxootiga xogta saxda ah ee halista colaadeed ee ka jirta wali qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan. In badan ayaa hayadaha xaquuqul insaanku kusoo celceliyeen in kala dhimmanaan dhanka xogta ah oo amuurtaa kusaabsan ay jirto.

Waxay sidoo kale AI sheegtay in arimaha guriyeynta iyo maciishaduba ay cdhiidhi i yihiin gudaha dalka Soomaaliya waqti xaadirkan.

qaxootiga qasab lagu rarayo.

Wuxuu kaloo sheegay in in badan oo qaxootiga Dhadhaab ahi ay iskood u doonayaan inay Soomaaliya  tagaan .

In badan ayaa dawlada Kenya ay kusoo celcelisay in xeryaha Dhadhaab la xiri doono bishaan Nofeembar.

Waxay ahayd bishii 5aad ee sanadkaa markii wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaisery uu sheegay in kama dambeys bishaan 11aad la xiri doono xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Qaxootiga xeryaha Dhadhaab ee Soomaalida ah ayaa colaada iyo abaaraha Soomaaliya kasoo cararayay oo halkaa imaanayay laga soo bilaabo horraantii sagaashameeyadii wax yar kadib markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.\

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland