Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Kaga Yimi Jamaal Cali Xuseen

0
280

“Laba UCID ma jraan ee dalka  UCID keliya’ayaa ka jirta,sharciga ayaanan u raacnay ka joojinta shirkiisii.” “Haddii uu wax tirsadayna xaq buu u leeyahay in uu dacwoodo.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof:Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa sheegay in aanay jirin wax tacadi ah oo ay u geysteen garabkii UCID ee uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen markii laga joojiyay shir ay ku qabsan lahaayeen Hotel-ka  Maansoor ee Hargeysa shirkaas oo bar bar socday shir kale oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe isla maalintaas garabkiisa uga furmay Hargeysa.

faratoon

Waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka Arrimaha  gudaha Somaliland in  qof kasta oo  wax tirsada ama is leh waa lagu dulmiyay in uu xaq u leeyahay in uu Hay’adaha garsoorka u dacwoodo oo  dalku uu yahay mid dimuquraadi ah oo aan la is cabudhinayn.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay khadka Taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida uu u arko eedo uu u soo jeediyay Jamaal Cali Xuseen,ayaa yidhi “annagu(wasaaradda arrimaha gudaha) markii aanu shirkisa joojinaynay sharciga ayuun baanu u raacnay ee ma jiro wax dambi ah oo aanu Jamaal gaar uga galnay iyo xuquuq uu leeyahay oo aanu meel ka dhac u geysanay dalkana laba UCID ma jiraan ee dalka UCID kaliya oo sharci ah ayaa ka jirta sirkii kal ee ay qabsadeenna waa tii gudiga diiwaan galinta uruadu ka hadashay ee sheegtay in uu sharci yahay markaa sharciga ayuun baanu raacnay ee wax isaga(Jamaal) u gaar ah oo aanu ku duudsiyaynay ma jirto.”

Wasiirka oo ka jawaabayay dacwad uu sheegay in uu ka gudinayo Jamaal Cali Xuseen ayaa yidhi. “Horta dalku waa dimuquraadi oo ma jirto cabudhin iyo car juuq dheh qof kasta oo wax tirsadaana xaq ayuu u leeyahay in uu ka dacwoodo Jamaal,na haddii uu u arkay in xuquuq uu  leeyahay laga duudsiyay  xaq buu u leeyahay in uu dacwoodo laakiin dhankayaga horena ugumaanu xad gudbin imikana diyaar uma nihin in  xuquuq uu leeyahay aanu ka duudsino.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon)

Xigasho Wargeyska Dawan.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@gmail.com

Hargeisa Somaliland