Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay ciyaarta gunnaanadka tartanka kubadda Kolayga ee gobollada Somaliland oo ka dhacday garoonka Timacadde ee Hargeysa.img_3356
Ciyaartan oo ay iskaga horyimaadeen labada gobol ee Saaxil iyo Gabiley oo isugu soo hadhay, isla markaana ay guushu ku raacday Gobolka Saaxil oo ku badiyey 35 dhibcood, halka xulka Gabiley keensaday 28 dhibcood, waxa daawashadeeda ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Maaliyadda ā Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Samsam Cabdi Aadan, halka Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhuna hore ugu sii sugnaayeen garoonka.
Guddoomiye Muuse Biixi oo markii ciyaartu dhammaatay hadal kooban ka jeediyey garoonka waxa uu ku hambalyeeyey ciyaartoyga labada gobol ciyaarta qiimaha leh ee ay soo bandhigeen, waxaannu si gaar ah u bogaadiyey xulka koobka hantay ee Saaxil.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland