Badheedhihii Xuuto iyo balanqaadkii Madaxweynaha
Hargeysa(Xogsoormedia.com):–Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa ka qayb galay xidhitaanka Shir-weynaha Saxaafadda Somaliland oo Labadii Maalmood ee u dambeeyay ka socday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee SOLJA qabato tan iyo markii la aasaasay oo 14 Sannadood laga joogo, ayaa waxa lagu soo gunaanaday Xaflad Ballaadhan oo sidoo kale lagu xusay Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad walba la qabto 9-ka Bisha Noofambar oo ku beegan maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariisyee Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa Aasaasihii Warbaahinta qoraalka ah ee Somaliland.
Xuska Maalinta Saxaafadda iyo Gebogabada Shir-weynaha Arrimaha Saxaafadda Somaliland oo is-barkanaa, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirrada Madaxtooyada, Warfaafinta, Xannaanada Xoolaha iyo Odayaasha Saxaafadda Dalka, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeediyey hadallo ku salaysnaa Xuska Maalinta Saxaafadda iyo ahmiyadda ay leedahay horumarinta qaybaha kala duwan ee Saxaafadda.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ugu horeyn ka hadlay Xidhitaankii Shirka, ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda u faahfaahiyey waxa lagaga hadlay iyo sababta ay xilligan u qabteen Shirkan oo ay ka qayb-galeen Suxufiyiin ka badan 150 iskaga kala yimid Gobollada iyo Degmooyinka Dalka,
“Munaasibaddan waxay isku jirtaa Saddex qaybood oo aanu ugu talo-gelnay inaanu ku waynayno Sannad-guurada Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo ku beegan 9-ka bisha Noofambar. Saddexdaasi waxay kala yihiin inaanu qabanno Shirweyne lagaga tashanayo Aayaha Saxaafadda, Maaddaama oo ay Somaliland Rubuc Qarni-jirsatay. Sidaa darteed Mudane Madaxweyne waxa Shirkan lagaga doodayey 25-kaa Sannadood ee Somaliland jirtay waxa Saxaafadda u qabsoomay, waxa kale oo lagaga doodayey 20-ka sannadood ee soo socda halkay Saxaafaddu u guuri doonto.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xuuto, waxaanu intaa ku daray, “Mudane Madaxweyne, Munaasibadda kale waxa weeye inaanu halkan ku xusno Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo maalinta Saxaafadda ku astaysan. Munaasibadda kalena waxa weeye inaanu ku weynayno Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ta Somaliland meel weyn kaga suntanaa.”
Guddoomiyuhu wuxuu Madaxweynaha u bandhigay baahiyo badan oo Saxaafadda haysta, kuwaasi oo uu ka codsaday inuu xalkooda ka qayb-qaato, waxaanu yidhi, “Ururka SOLJA wuxuu jiray 14 Sannadood, Hoggaankayagan waxa la soo doortay 2014-kii, waxaanu ballan-qaadnay in Muddada aanu Xilka hayno oo Saddex sano ah inaanu SOLJA ka dhigno Urur taabbo gela oo Saxaafadda Somaliland hiigsigeeda ka midho-dhaliya.”
Guddoomiyaha SOLJA waxa kale oo uu sheegay, “Muddadii aanu xilka haynay waxa noo suurto-galay inaanu is-faham ka dhex abuurno Saxaafadda Somaliland iyo Daneeyayaasha Saxaafadda oo ay kow ka yihiin Bulshada Somaliland, Xukuumadda iyo Hay’daha kale ee Qaranka. Markii lana doortay waxaanu Xarunta SOLJA ugu nimid 90 Kiis, 2015-kii waxaanu ku soo ururinay 21 kiis, Sannadkan 2016-kana waxaanu diwaangelinay 13 Kiis (Dacwadaha Saxaafadda ka dhanka ah). Kiisaskaa dhacay waxa eeddooda lahaa Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland, eedda ugu badanna waxa lahaa Saxaafadda Somaliland, markaanu labadaa isla akhrinay waxaanu Hoggaankayaga la doortay isla garanay in aanay xal ahayn in dhibaatada intaa leeg ee Saxaafaddu aanay sii jirin.”ayuu yidhi, isagoo wax ka qabashada hoos u dhigga Dacwadaha ka dhanka ah Saxaafadda uga Mahad-celiyey Masuuliyiinta Laamaha Dawladda.
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu ka hadlay Dacwado dhowr ah oo Saxaafadda kaga socda Maxkamadaha, kuwaasi oo uu Madaxweynaha ka codsaday in la dhammeeyo kuwooda fudud, “Mudane Madaxweyne, dacwado dhowr ah ayaa ka socda Hay’daha Garsoorka, waanu ku qanacsan nahay inaanu Sharciga dalka u hoggaansanno (Saxaafad ahaan), Masuuliyiinta Xukuumaddaada waanu ka wada-hadalnay wixii xal laga gaadhi karayey xal-baanu ka gaadhnay, wixii ay noqotay in sharciga la mariyana Sharciga ayaanu u hoggaansannay, waxaanuna ajiibaynaa wixii aanu halkaa (Garsoorka) ka helo, waxaanuse jecel nahay Kiisaskaa in wixii la dhamayn karayo la dhameeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Kiisaska ugu daran ee dhibaatada nagu haya, ee Saxaafadda walaaca ku abuuray waxa ka mid ah in Xeerka Saxaafaddu uu Muwaadiniinta u jideeyay in Hay’ado Warbaahineed la furan karo, arrintaa Caqabad baa ka taagan oo Hay’adaha Dawladda ee u xil-saarani aad bay uga caga-jiidayaan. Markaa Mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in horumarka Qaranka Somaliland gaadhayo iyo dib-u-dhaca Saxaafadda in la mideeyo oo wixii aad ka qaban kareyso aad ka qabato.”
Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA Kayse Axmed Digaale, oo isaguna Madashaasi ka jeediyay hadal kooban, ayaa si gaar ah ula dardaarmay suxufiyiinta ka qayb-galay Shir-weynaha labada Maalmood socday, waxaanu yidhi, “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad Wararka aad soo direysaan aad u dirtaan si taxadar leh. Waa inaad noqotaan dhexdhexaad oo aydaan dhinacna raacin, kana feejignaada saamaynta (Warka khaldan ku leeyahay) doorashooyinka, Waayo? Waa xilliga ay Weriyaha soo gaadho dhibaatada iyo Xadhigga ugu badan, markaa Weriye kastaa haddaanu dedaal muujin waxa soo gaadhaya Tacaddi iyo xadhig.”
Mr. Kayse wuxuu ka digay in Weriyeyaashu dhexdhexaadnimada ka baydhaan, “Xilliga doorashada haddaad dhinacyada tartamaya u kala xagliso, waa lagu xidhi ama Gacan baa lagu saari oo dhibaato ayaa ku soo gaadhi, sidaa darteed waa in aad kala saarto Warka aad direyso iyo waxaad aaminsan tahay.” Ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in SOLJA loo soo jeediyay inay Machad lagu barto Culuumta Saxaafadda ay ka dhisaan gudaha Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, laakiin ay wakhtigaasi ka biyo-diideen, inkastoo buu yidhi uu rejaynayo in weli Xukuumaddu diyaar ula tahay, “Fursaddaasi waxay ahayd Fursad weydaaratay (SOLJA), laakiin waa fursad aad imikana uga fadhidaan Xukuumadda, Xukuumadduna inay diyaar idiinla tahay baan ku rejo-weyn nahay.”ayuu yidhi.
Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), ayaa isaguna Munaasibadda lagu soo Gunaanaday Shirweynaha Saxaafadda isla-markaana lagu xusay Maalinta Saxaafadda wuxuu ka sheegay in Wasaaraddiisu ka shaqeynayso sidii loo kaabi lahaa Xeerka Saxaafadda Somaliland, “Waxaanu ka shaqeyn doonaa sidii loo kaabi lahaa Xeerka noocyada kala duwan ee Saxaafadda JSL, annaga oo la kaashan doona Hay’adaha iyo Khuburrada xagga shuruucda iyo Baarlamanka.”ayuu yidhi.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gebgabadii halkaa ka jeediyay khudbad dheer, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Xorriyadda Saxaafaddu waa Tiir ka mid ah Tiirarka ugu muhiimsan ee mabaa’diida u ah hab-dhaqanka iyo Dimuqraadiyadda ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisan tahay. Caad iyo ciiro toonna ma saarna, in Xoriyatul Qawlka iyo Madax-bannaanida warbaahinta kala duwan ee Somaliland gaadhay ama ku guulaysatay, aanay maanta ka jirin inta badan Waddamada Qaaradda Afrika. Arrintani waxa salka ku haysaa:
- Baraaruga Bulshada iyo Bisaylka Siyaasadda Somaliland.
- Shuruucda iyo Dastuurka Dalka oo si buuxda u damaanad qaaday xuquuqda aasaasiga ah ee Madax-bannaanida Saxaafadda.
- Xasuusta xanaftii iyo xannuunkii laga dhaxlay nidaamkii ku dhisnaa cadaadiska, cago-juglaynta iyo cabudhinta loo gaysto xoriyatul qawlka.
Waxaan aaminsanahay, in ay tahay Saxaafadda xorta ahi, muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran madax-bannaan, taasoo kobcisa ama kor u qaadda garaadka iyo fikirka bulshada fayow. Saxaafaddu waxay dhiirri-gelisaa, hayaanka horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadda, tayeynta maamulka wanaagsan, iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada. Saxaafaddu waxay xaq u leedahay in ay xilkeeda u gudato, si waafaqsan shuruucda dalka, isla markaana aan loo geysan wax cadaadis ah, ama hagardaamo ah oo qawaaniinta baalmarsan.
Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-banaan. Fikirkaasi waxa uu ahaa mid aan caan ku ahaa doodiisa iyo dagaalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin hadduu seexdo, oo soo tooso, waa isagii”. Sidaa darteed, waxaan leeyahay ma jiro wax maanta iska-kay bedelay, ee sidii baan u aamin-sanahay arragtidaa siyaasadeed. Suxufiga sharci darro laguma xidhi karo, lagumana xad-gudbi karo. Hase-yeeshee, Suxufigu waa bini’daam gafi kara, haddii lagu eedeeyo dunuub ama xuquuq dad muwaadiniin ah oo uu ku xad-gudbay, waa in loo maraa dariiq sharci iyo garsoor madax-bannaan.
Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamullada Gobollada Dalka, inay ixtiraamaan, isla markaana dhawraan xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta. Dhinaca kale, Saxaafadda waxa waajib ku ah, ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana in ay u hawl-gasho si wadaniyad iyo dal jacayl leh. Sidaa awgeed, waxaan u soo-jeedinayaa inay ka feejignaato baahinta wararka laf-jabka ku ah maslaxadda iyo danaha qaranka.
Waxaan soo dhaweynayaa, dhaliilaha dhabta ah iyo talooyinka toosinta xambaarsan ee saxaafadda madaxa-bannaani maamulkayga u soo jeedinayso. Waxaan dulqaad weyn u leenahay dareemmada togan ee Dawladdayda lagu durayo, balse waxa reebban been abuurka iyo wararka aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo loo baahan-yahay in Saxaafadda iyo Suxufiyiintu ka waantoobaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Warbaahinta kala duwan ee Madaxa-bannaan, waxaa looga baahan-yahay, isla markaana waajib ku ah:
- inay ku shaqayso dhex-dhexaadnimo iyo madax-banaani.
- inay dheeli-tirto wararka ay baahinayso.
- inay ilaaliso ku dhaqanka shuruucda, anshaxa iyo asluubta suuban.
- in ay dhawrto xuquuqda iyo xurmada dadka muwaadiniinta ah ee kale, sida ay xaq u leeyihiin in la dhawro xuquuqdooda iyo xurmadooda xirfadeed.
- in ay birma-gaydo yeelato, oo si weyn u dhawrto arrimaha saamaynta ku leh qarannimada iyo amniga dalka.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ka go’an taakuleynta iyo taban-taabinta Saxaafadda. Waxaan ballan qaadayaa in aanu fulino ama meel-marino arrimahan:
- Aasaasidda ama samaynta Xarun Saxaafadda u gaar ah iyo kobcinta aqoonta suxufiyiinta.
- in Xukuumaddu kordhiso 2017-ka kharashka kabka ah ee SOLJA, iyada oo ay taakulayntan Dawladdu bilowday sannadkan 2016-ka.
- In Bahda Saxaafadda, gaar ahaan Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, aanu iska kaashanno Dib-u-habaynta Shuruucda Saxaafadda.
Ugu danbayn, sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay dad iyo duunyaba. Sidaa darteed, waxa inala gudboon gurmad balaadhan shacbi iyo xukuumadba. Waxaannu ku mashquul-sanahay abaabul xooggan oo dadkaa tabaalaysan taakulo lagu gaadhsiin lahaa. Si deg-deg ah, Xukuumad ahaan, waxaannu gaadhsiinaynaa dadkaa tabaalaysan Siddeed Bilyan oo Somaliland Shillings ah. Haddaba, waxaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda ka hawl-gasha dalka ugu baaqayaa in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan, baahinta wararka ku saabsan abaaraha.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharafyo ay mutaysteen guddoonsiiyey weriyeyaal ku guulaystay tartan saxaafadu u gashay soo tebintii xaalada abaarta baahsan ee ka jirta gobolada bariga Somaliland, kuwaasi oo ay ururka saxafiyiinta Somaliland u qabteen kuna kala saareen guddiga ka kooban ruug cadaaga bahda saxaafada Somaliland.”
Gebogabadii waxa uu Madaxweynuhu Abaal-marinno Guddonsiiyey Suxufiyiin ku tartamay Abaal-marinta CAWKE MEDIA AWARD, taasi oo SOLJA ugu talo-gelay inuu ku maamuuso Alle ha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke.
Weriyeyaasha la abaal-mariyey ayaa lagu tartansiiyey War-bixinno ay ka sameeyeen Abaaraha, Nabadda iyo Arrimaha kale ee Bulshada.
Tv-yada waxa kaalinta koowaad u galay Khadar Maxamed Cakulle, Wargeysadana waxa Kaalinta koowaad u galay Axmed Cali Cige, halka uu Idaacadda Kaalinta koowaad u galay Cabdicasiis Caydiid Cilmi (Yemeni).
Tv-yada waxa kaalinta labaad u galay Cabdirisaaq Cismaan, Idaacadda waxa kaalinta labaad u galay Maxamed Cabdi Qalinle, Wargeysyada waxa kaalinta labaad u galay Cabdirixiin Cumar Daahir.
Tv-yada waxa kaalinta Saddexaad u galay Cabdiraxmaan Samiir, Kaalinta Afraadna waxa Tv-yada u galay Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid), Kaalinta Afraadna waxa Tv-yada u galay Najax Aadan Cunaaye, Idaacadda waxa kaalinta Saddexaad u galay Cabdifataax Suudi Cabdi, kaalinta Afraadna waxa Idaacadda u galay Caydaruus Cismaan Axmed. Wargeysyada waxa kaalinta Saddexaad u galay Saleebaan Cabdi Cali, Kaalinta Afraad waxa galay Khadar Maxamed Xaashi. Waxa kaalin wada galay Cumar Cabdirisaaq Cali iyo Cabdillaahi Xasan Budul.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa ka badheedhay in uu Madaxweynaha hirtiisa ka caddeeyo in ay jiraan balan qaadyo dhawr ah oo uu Maayarka Caasimadda Hargeysa Solja dhul ugu balan qaaday oo aanay waxba ka fulin iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo isna dhankiisa uu balan qaaday in aanu waxba kala hadhi doonin gacan qabashada Saxaafadda madaxa bannaan iyo ta dawladdaba korintooda
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland