Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Dawan Media Group, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa maanta xaflad qado sharaf ah ugu sameeyay Huteelka Lake-Asal ee magaaladda Hargeysa laba masuul oo ka tirsan DMG, oo 5-tii Bishan ka qalin jabiyay Machadka shaqaalaha dawladda oo ay ka qaateen shahaadada koowaad ee jaamacadda, ka dib markii ay dhammaysteen maamulka dawliga ah (Public administration).
Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Tifaftiraha Guud ee Dawan Cumar Maxamed Faarax iyo Madaxa maamulka iyo lacagta ee DMG, Deeqa Axmed Cabdilaahi, ayaa ka mid ahaa 214 shaqaale dawladeed ahaa oo Sabtidii todobaadkan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo gudoon siiyay shahaadooyinkoodii heerka koowaad ee jaamacadda oo muddo saddex sannadood ah ay machadka shaqaalaha dawladda (CSI) ay ku qaateen kuliyadaha kala ah xisaabaadka, maamulka dawliga ah, culuumta siyaasadda, horumarinta iyo kuwo kale.
Munaasibadii qado sharafta ahayd waxa ka soo qeyb galay maamulka iyo shaqaale weynaha DAWAN Media Group, kuwaasi oo u hambalyeeyay labadan masuul.
Deeqa Axmed Cabdilaahi iyo Cumar Maxamed Faarax oo la hadlay shaqaalaha DMG ayaa sheegay in Guddoomiyahoodii uu lahaa fikirada ay jaamacadda ku galeen isla markaana muddadii sadexda sannadood ahayd ee ay wax ka baranayeen machadka shaqaalaha uu la garab taagnaa taageero kala duwan oo uu ku dhiiri gelin jiray inay ka gun-gaadhaan waxbarashadooda jaamacadda isla markaana uu si dhow ula socday heerkooda waxbarasho.
Waxa kale oo ay uga mahad celiyeen qado-sharaftii uu ku maamuusay oo ay ku tilmaameen mid iyagana dhiirigelin u ahayd, shaqaalahana lagu hoggo-tusaaleynayay inay ku dedaalaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen heerkooda tacliimeed.
Waxa kale oo ay ku ammaaneen inuu u heelan yahay in masuuliyiinta la shaqeysa iyo shaqaalihiisu ay helaan fursado waxbarasho, iyadoo sannadka fooda innagu soo haya ee 2017 ay isla machadka shaqaalaha dawladda ka qalin jabinayaan laba ka mid ah shaqaalaha DMG kuwaasi oo kala ah Khadar Cabdi Muuse iyo Maxamed Axmed Yuusuf.
Bahda DMG, waxa ka hawl-gala shaqaale badan oo heerkooda tacliimeed sareeyo in ka badan toban xubnood ayaa qaatay shahaadooyinka heerka koowaad iyo labaad ee jaamacadda, iyadoo Guddoomiye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) uu sannad kasta ku dedaalaa in xubno ka mid ah hawl-wadeenadiisu ay galaan jaamacadaha dalka.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland