Abwaan Siciid M. Gahayr Garsoorku Wuu Sii Daayay Walina Waa Maxbuus Ee Yuu U Xidhan Yahay?

0
307

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Abwaan Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo 8o iyo dhawr maalmood ah ku xidhan magaalada Hargaysa,ayaan wali tan iyo markii Maxkadda gobolka Maroodijeex ay xorriyaddiisa u soo celisay aan helin xuquuqdiisa qofnimo walina ah maxbuus xidhan isla markaana aan dib Maxkad loo hor keenin.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ku eedaysnaa eedo uu ku soo dacweeyay Maamulaha Madaarka Caasimadda Hargeysa,ayaa dhamaantood lagu waayya ka dib markii dhawr fadhi Maxkamaddu ay dhegaysatay dacwada kiiskaas waxaanay amartay in xorriyaddiisa loo soo celiyo oo aanu lahayn wax dambi ah.

siciid  gahayr

Laakiin isla markii uu go’aanka Maxkamddu dhacay waxaa racfaanka ka qaatay Xeer ilaalinta oo saluugtay go’aanka Maxkamadda laakiin wali Abwaanku wuu xidhan yahay kiiskiisana mar dambe Maxkamadna lama hor keenin.

Hadaba waxay is waydiintu tahay “Abwaan Siciid M. Gahayr  Garsoorku Wuu Sii Daayay Walina Waa Maxbuus Ee Yuu U Xidhan Yahay?

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland