Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka ku booqday gurigiisa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Islaaciil(Saylici) oo marmarka gurigiisa ku dhaawacmay.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka xog waraystay Madaxweyne ku xigeenku sida uu wax u qabo ayaa war bixib ka dhegaystay md Saylici siday wax u gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.
Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland