Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland iyo akaadamiga nabadda iyo horumarka, ayaa si wada-jir ah magaalada Hargeysa uga daah-furay tartan suugaaneed dhaqanka Somaliland, kaas oo ka ka furmay Huteelka Maansoor. Tartankan waxa ka qeyb galay 18 qof oo Gabayaa ah iyo lix kooxood oo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah oo ka kala yimid lixda gobol dalka.
Tartankan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa garsooreyaal ka ah La taliyaha Wasiirka Warfaafinta u qaabilsan waaxda dhaqanka Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), Agaasimaha waaxda dhaqanka, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-yare) iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Maxamuud Cigge (Busi).
Agaasimaha Akadamiyada Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay furitaankii tartan dhaqameedkaas, ayaa sheegay in tartankani uu dhiirigelin u yahay da’yarta dalka si ay u bartaan una soo bandhigaan hal abuurnimadooda.
“Tartankani maaha markii ugu horreysay ee akaadimigu arrimahan oo kale sameeyo, rag badan oo aad garanaysaan baa tartamadan caykan ah ka soo dhex baxay, waxaad aad u xasuusataan oo caan ka noqday oo tartamadii ugu horeeyey ragii ku soo baxay ka mid ahaa abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo intiina badan aad wada garanaysaan, markaa waxaanu doonaynaa maanta mid iyo lababa iyo seddexba oo hablo iyo inamo iskugu jira oo weedhsameyaal noqda inay in haddii ALLE yidhaahdo ay maanta halkan ka soo baxaan oo ay ku soo biiraan waaxda dhaqanka,”ayuu yidhi Agaasimaha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarku.
Abwaan Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal) oo ka mid ah abwaanada tartankan soo abaabulay ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu dhalinyarrada ku guubaabiyey inay ka qeyb qaataan tartankan isla markaan soo bandhigaan ciyaarha hindaha iyo dhaqanka ah.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay in waajibaadka wasaaradeeda ay ka mid tahay hanuuninta iyo wacyigelinta bulshadda dhinac kasta oo nolasha la xidhiidha, waxaanay tidhi “Waxay wasaarada warfaafintu xambaarsan tahay oo ay leedahay wacyi-gelin, in bulshadii la wacyi geliyo, wax loo sheego, la toosiyo, dariiqa habboon ee horumarka, ka shaqsiga ah haddii ay tahay iyo ka bulshadaba ama ka dawladnimo haddii ay tahayba in dalka lagu hanuuniyo oo lagu wacyi-geliyo oo garaadkooda siyaasiga ah iyo garaadkooda arrimaha bulshada kor loo qaado ayey wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galintu ay masuul ka tahay.”
Marwo Shukri waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Wasaarad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaynu soo dhaweyno wax kasta oo lagu noolaynayo dhaqanka ay ummadani leedahay, akaadamiga waanu ugu mahad celinaynaa, ururrada ka soo qeyb galayna waanu u mahad celinaynaa, waana idin soo dhaweenaynaa, waxaanad ku tallo-gashaan inaad tihiin baalashii wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta,”ayay tidhi Wasiir Shugri Xariir.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland