Jawhar (Xogsoormedia.com): — Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdillaahi Cosoble ee dhawaanta la doortay ayaa xil ka qaadistii ugu horraysay ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo xilkiisa Madaxweyne ka hor xilkaa hayay.
Waxaanu magacaaay guddi nabad gelyo oo maamulka gobolka iyo amaankiisaba gacanta ku hayn doona oo dhammaantood ka kooban saraakiil ciidan
Wali kama hadal xil ka qaadistiisa Guddoomiyaha la eryay ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.waxaana xil ka qaadistiisa lagu sababeeyay in ay ka dambaysay falal abad gelyo darro oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyn kuwaasoo ay ugu dambaysay qarixii shalay lala beegsaday xaldhiga ciidanka jabuuti ee AMISOM ku leeyihiin Baladweyn
Madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaankii ku-meel-gaarka ee Soomaaliya.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya ammniga iyo nabad-galyada gobolka Hiiraan, kuwaa ka kooban dhamaantood saraakiil ciidan waxaana ay kala yihiin.
S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.
Xil ka qadistan iyo magacaabista guddiga amniga gobolka ayaa imaneysa xili maalintii shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xero ciidammada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne, waxaana xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu horeysay oo uu sameeyo madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle tan iyo markii la doortay
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland