Qandala (Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha Degmada Qandala Jaamac Maxamed Kuurshe ayaa sheegay in degmada uu guddoomiyaha ka yahay dadku ay ka qaxayaan isla markaana ay isgaadhsiintu ka go’antahay ka dib markii ay la wareegeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda DAACISH.
Dagaal-yahanada ka tirsan ururka Daacish ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari , iyadoo aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galeen kooxda Daacish .
Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Kuurshe oo la soo xidhiidhay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaal-yahanadan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ay si rasmi ah hadda gacanta ugu hayaan degmada Qanadala.
“Waxay soo galeen degmada saaka lixdii subaxnimo ,markii aan waraysan-nay dadka deegaanka iyo xubnaha golaha deegaanka waxay noo sheegeen in dagaal-yahanada magaalada qabsaday in ay gaadhayaan ilaa iyo 50 dagaal-yahan “ ayuu yidhi gudoomiyaha oo ka warbixinayay arintan.
“Markii ay soo galeen degmada anteenadii bey jareen ,dadkii kaluumaysatada ahaana waay u diideen in ay badda galaan, inkastoo markii danbe ay dib u fasaxeen , balse illaa iyo hadda iyaga ayaa gacanta ku haya magaalada “ ayuu mar kale yidhi Kuurshe.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacab badan oo degmada ku sugnaa in ay ka qaxayaan ,iyaga oo adeegsanaya saxiimadaha kaluumaysiga ,waxaanu xusay in saldhigyo ay ka samaysteen xaafado ka tirsan gudaha degmada Qandala.
“ Hadda meelo badan oo ka mid ah degmada ayey ka taageen calanka Daacish ama ISIL , goobaha ay calankooda sudheen waxaa ka mid ah Saldhig-ga iyo waliba xarunta dowladda hoose “ ayuu mar kale sheegay
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland