Wasiirka Warfaafinta Oo Mar Kale U Jawaabay Musharax Cirro

0
325

Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Guddoomiyaha aqalka wakiiladda,ahna Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ugu baaqay inuu ummadda u sharaxo erey suuqdi ah oo ka baxsan lahjabada madaxda iyo diblomaasiyadda oo ku jiray jawaab uu ka bixiyay hadalkii Wasiirka warfaafinta

Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in Xirsi Cali Xaaji Xasan, ay u hadhay oo kaliya inuu gacan yareyaashiisii ku sheego  madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

_CADAANI

Wasiir Cadaani, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu hadallada ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga Waddani ku tilmaamay aflagaado iyo hadallo meel ka dhac ah.  “Musharraxa WADDANI waxa uu yidhi askar dooni mayno, arrimaha aanan fahmin ayay ka mid tahay askartu waa kuwii dalkan xoreeyay,  waxa ka mid ahaa Lixle, Xasan Saleebaan, Aadan Shiine, Koodbuur, Harag waafi iyo Ina Askar, yaa maanta tirin kara inta rag innaga maqan ee naftoodii u huray qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In yar ayaa ka sii nool maanta ragii oo ay  ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, raga noocaas ah ee dalkan xoreeyay ayay ahaayeen askartu. Waxa kale oo ay yihiin askartu ragga maanta uu qarankani ku seexdo kuna soo tooso. Qiime weyn oo  aanay cidina goyn karin ayay qarankan ugu fadhiyaan askartu,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

 

Mr.Caddaani waxa uu sheegay in inta badan madaxda adduunku ay soo mareen askarinimo oo ay xoreyntii dalkooda ka soo wada qeyb qaateen, waxaanu ka carabaabay halgameyaashii Maraykanka iyo Faransiiska ee ay ka mid ahaayeen  George Washington iyo Charles de Gaulle.

 

 

 

“Laba arrimood ayuu is raaciyay Cirro, oo ahaa askari looma baahna iyo beesha caalamka oo la caayo uma baahnin, anigu odhan maayo been buu sheegayaa oo waa nin weyn oo qaranka xil u hayee,  malaha wuu  iloobay baan u maleynayaa laakiin haddii uu ilaabayo  khudbadii uu shalay jeediyay siduu kursiga ku tagayaba garan maayo,”ayuu Wasiirka warfaafintu ku iftiimiyay  doodiisa.

 

 

Dhanka kale Wasiirku isaga oo ka jawaabayay  hadalkii Guddoomiye Cirro ee ahaa in Wasiir Caddaani jecel yahay Madaxweynaha Somaliland, waxa uu yidhi “Waxa uu sheegay inaan madaxweynaha jecelahay, hase ahaatee waxaan moodayay in isaga laf ahaantiisu madaxweynaha jecel yahay, ummada oo dhanna ay jeceshahay, madaxweynaha Somaliland oo qarankan u soo halgamay, aniguna waan jecelahay madaxweynaha  oo ummada uun baan kala mid ahey , waxa  Cirro ka soo yeedhay hadallo aflaagado ah oo aanan garaneyn oo ah Cadaani wax kale ayaa lagu sheegayay, markaa isaga uun baa ummada Somaliland u sheegi doona waxay tahay. Waa run oo wuxuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro, Caddaani beenta ma yaqaanno waa runtii taasi oo beenta ma aqaano.”

 

Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay jawaab ka soo yeedhay Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo sheegay in xiligii uu jidka Ceerigaabo ka shaqeynayay uu Wasiir Cadaani gacan yare u ahaa.

“Marmar ayaad yaabaysaa Xirsi, Aniga ayuu ii markhaati furay oo intii aan ku sheegay uun buu ka hadlay oo  shalay (Isniintii) ayuu inyar kaga soo daray oo uu yidhi Madaxweynaha ee hadalkiisii hore oo konton daqiiqo ahaa isaga uun baa lahaa ‘aniga’ oo aanu meelna kaga soo darin lacagtii deyntii afarta milyan ahayd ee aan la garanaynin waxay ku baxday.waxay arrintani ku tusaysaa inaanu wadciga dalkan fahmin marka uu leeyahay Wasiir isaga la mid ahaa ayaa gacan yare ii ahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu intaas ku daray “Somaliland-ney ha yaabina waxa qudha ee u dhiman  Xirsi, Caddaani waa salleelee, inta uu odhanayo madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku  aniga ayay  gacan yare ii ahaayeen.”