Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa goor dhawayd geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Kaamil.
Geerida Marxuum Taliye Faysal Kaamil,waxaa qaranka Somaliland ka tacsiyeeyay Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani marxuumkana wuxuu ALLE uga baryay in uu dambigiisa dhaafo oo uu u naxariisto.
Waxaanu Taliye Faysal Kaamil ku sifeeyay in uu ahaa sarkaal dalka iyo dadkaba ku wayn oo qaranka u soo halgamay isla markaana dib u dhiskiisa ka soo shaqeeyay.
Innaa lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.
guud ahaan bahda Xogsoormedia.com waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan qaranka Somaliland ehelkii qaraabadii asxaabtii iyo ciidanka qaranka ee uu ka baxay Marxuum Gaashaanle sare Faysal Kaamil waxaanay marxuumka ALLE uga baryayaan in uu u naxariisto.