Dublomaasi Maxamed Sheekh Xasan oo Geeriyooday iyo Madaxda Qaranka Oo Ka Hadashay Geerida Marxuumka

0
402

Boorame (Xogsoormedia.com)- Marxuum-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ka mid ahaa dublamaasiyiinta waaweyn ee taariikhda Somaliland  iyo guud ahaan  Taariikhda Soomaalidaba ku suntan,ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay oo  shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay  Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

thumbnail_Ambasador-Maxamed-Sh_Nuuriye-300x225(1)

.Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridda ALLE u ha naxariistee diblomaasi Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo shalay ku geeriyooday magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo uu muddo ku xanuunsanayay.

Marxuum-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, waxa uu ahaa diblomaasiyiintii caanka ahayd ee xiligii Soomaaliya, waxaanu danjire uga soo noqday  dalalka Canada iyo Nigeria.  Sidoo kalena intii Somaliland madax-banaanideeda la soo noqotay waxa uu dhawr sannadood  ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya.  Waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo  uu marxuumka u magacaabay agaasimaha guud ee qorshaynta, hase yeeshee marxuumku xilkaasi wuu ka cudur-daartay oo ma uu qaban.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge, ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo uu madaxweyne Siilaanyo ugu tacsiyadeynayo qoyskii,qaraabadii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ku sifeeyay nin weyn oo qaranka Somaliland ka baxay.

Dhambaalkaas tacsida ahi waxa uu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, wax-garadka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Boorame shalay oo ay taariikhdu ahayd 25/10/2016. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta muxtarimka ah ee dalka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Sidoo kalena Murrashax Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum-Maxmaed Sheekh Xasan Nuuriye, waxaanu dhambaalkiisa tacsida ahaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta iyo garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya wakhtigii dawladdii UDUB Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo Salaasadii 25/10/2016 ku geeriyooday magaalada Boorama.

Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo sida oo kale na Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo dadka u sama-fala sida oo kale na qiimo weyn ku dhex lahaa Qaranka Somaliland oo intii uu ku dhex-jiray xidhiidhada diblomaasiyaddeed ee Caalamka meel sare gaadhsiiyey magaca Qarankan Somaliland. waxa kale oo uu ku tilmaamay in wakhtiyaddii uu xilka Qaran hayey uu ahaa shakhsigii dhidibada u taagay xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalka Itoobiya iyo wadamo badan oo Afrika ka mid ah, ku waas oo Somaliland ku ixtiraami jiray dawladnimaddeeda. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Alle ka baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo janatul Fardowsa, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan ba qaranka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.”

Geesta kalena, Guddoomiyaha  iyo murrashaxa madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah oo uu na soo gaadh siiyay u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday magaalada Boorama 25/10/2016.

Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa uu ahaa aqoonyahan kaalin weyn kaga jiray dalka, kana soo qaybqaatay dadaalladii horumarinta waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii soo maray dalka oo uu u dambeeyey Safiirkii Somaliland u fadhiyey Itoobiya sannado ka hor.Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Marxuum- Maxamed Sheekh Xasan, waxa Arbacada  maanta  si heer qaran ah loogu aasayaa  magaaladda Boorame, waxa  ka qeyb-galaya masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda, xisbiyadda iyo goleyaasha qaranka.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye iyo laba nin oo ay walaalo yihiin, ayaa saddexdooduba waxay Safiirro u kala ahaayeen saddex wadan oo kala ahaa Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland