Baladweyne(Xogsoormedia.com):- Ciidanka dalka Jabuuti ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ka hawl gala ee AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa lagu qaaday shalay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi wayn oo xammuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaaaha qarxa.
Weerarkaasi lala eegtay saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla xaafada Howlwadaag ee galbeedka Beledweyne oo ahaa mid aad u xooggan oo laga wada dareemay guud ahaan magaalada oo dhan ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen afar Askari oo ka tirsan ciiidanka nabad ilaalinta dalka Jabuuti ee qaybta ka ah hawl galka Midawga Afrika ee AMISOM waxaa kale oo ku dhintay sadex qof oo shicib ah oo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay halka ay ku dhaawacmeen inta la xaqiijiyay 7 askari iyo dad kale oo rayid ah
Gaadhiga qaraxan loo adeegdasaday oo noociidu ahaa UD,ayaa la sheegay in uu siday Bal, ay xooluhu cunaan oo ganacsi ahaan loo iibgeeyo waxaana la sheegay intaanu qaruxu dhicin in uu gaadhigu wakhti badan goobta joogay oo uu taagnaa isla markaana la moodayya in calafka xoolaha ee uu sido lagu dul iibinayo.
.
Afhayeen u hadlay ciidamada Jabuuti ee la weeraray wuxuu sheegay in laba askeri ay ka dhinteen shan kalena ay ka dhaawacmeen.
Wuxuu intaa ku daray inay iska caabiyeen weerarka oo lala eegtay saldhiga AMISOM ee Hiiraan.
Dhinaca kale qof goob joog ahaa ayaa warbaahinta caalamiga ah u xaqiijiyay in uu arkay qof dumar ah oo Meyd ah iyo afar qof oo dhaawac ah.
Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya oo sheegtay weerarkan ayaa dhankooda sheegay in ay weerarka Baladweyne ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM eek u sugan Baladweyne.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland