Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Siyaasiyiinta , salaadiinta iyo haldoorka iyo waxgaradka beesha Salaxlay iyo Koonfurta caasimadda Hargeysa ayaa qado sharaf si wayn oo heer sare ah loosoo agaasimay waxay ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.
Siyaasiyinta iyo haldoorka beesha ee qado sharafta ku maamusay gudoomiyaha cusub ayaa waxaa ay sheegen in ay aad iyo aad u soo dhaweynayaan xilka gudoomiyaha Waddani oo loo comaamadey xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxaana ay sheegen in uu kursigaasi u qalmi xildhibaanku.
Sidoo kale waxaa ay ku hanbalyeeyeen Musharax Cabdiraxmaan Ciro in uu kursiga ka kaco isaga oo aan taladii dalka ku guuleysan isla markaana uu ku wareejiyo Siyaasi ka soo jeeda Beesha Gobalka Hawd iyaga oo ku sifeeyey go,aan geesinimo leh
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland