Gunaanadka Shirkii Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Deegaanno Kala Duwan Oo Somaliland Ka Tirsan iyo Jaaliyadaha dibada ee Somaliland Oo Taageeray

0
442

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- tan iyo markii uu soo xidhmay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI waxay bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba ay ka hadlayeen isla markaana ay soo bandhigayeen shirar ay ku taageerayaan Xisbiga   WADDANI iyo shirkiisa golaha dhexe ee u soo xidhmay.

Dadweynaha degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal,ayaa dareenkooda ku muujiyay sida wanaagsan ee ay u taageersan yihiin shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI.

11_Fotor-4

Mukhtaar Jaamac oo ka mid ah madaxda urur dhalinyaro oo ka dhisan magaalada Boorama oo ka dareen celiyay gunaanadka shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo madaxda lagu doortay ayaa yidi. “Horta waxaan soo dhawaynayaa marka hore shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI uu sida wanaagsan ee nabad gelyada ah u qabsaday waxaanan leeyahay Hambalyo Xisbiga WADDANI waxaanan soo dhawaynaynaa hoggaanka Xisbiga iyo musharixiinta la doortay waxaanan leeyahay doorasho marka la galo qofna wuu helaa midna waa laga helaa markaa waxaan leeyahay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee WADDANI guushu waa in Xisbigu guulaysto ee waa in aad aqbashaa taniijada anaguna  (ururka dhalinyarada) Boorama) Waxaanu taageersanahay xisbiga WADDANI guushuna gacanta dhalinyarada ayay ku jirtaa.” Ibraahin Bookh Allaale oo ka mid ah isna dhalinyada reer Boorama oo dareenkiisa ka hadlayay ayaa yidhi “Horta waa waajib in Xisbigu qabsado shirkiisa golaha dhexe waxaana shay dastuuri ah  kale waxaa sharaf ah in ay guul ugu dhamaato Xisbiga WADDANI Shirkiisa golaha dhexe waanan taageersanahay Xisbiga.”

10_Fotor-3

Dhinaca kale Guuleed Yuusuf Daahir  oo isna ka mid ah dhalinyada gobolka Togdheer oo khadka Xogsoormedia.com ku waydiisay dareekiisa ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay dhalinyarada Somaliland shirka golaha dhexe ee u soo xidhmay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

“Waxaan u arkaa guul siyaasadeed  oo u soo hoyatay dhalinyarada Somaliland  iyo Xisbiga WADDANI waxaanan leeyaay waa mar kasta waa   la shirayaa shir kastana waxaa ka soo  baxaya natiijo cid  ka farxisa cidna ka cadhaysiisa laakiin guushu maaha hebel ee waa  Xisbiga Guddoomiye KU-xigeenka koobaadna waxaan leeyahay xisbigaaga dhis oo imikana ku tacan wali wakhti kaama tegin e”

Dhinaca magaalada Ceerigaaba ayaa inaya si wayn looga soo dhaweeyay gunaanadka Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo natiijooyinka ka soo baxay

Waxaanay inta badan dhalinyada magaalada Ceerigaabo ay caddeeyeen in ay taageersan yihiin Xisbi WADDANI taageradoodana ay siinayaan

Gobolada Badhan,Sool iyo Saraar ayaa iyagana laga taageeray Xisbiga WADDANI iyo shirka golaha dhexe ee u soo dhamaaday waxaanay soo dhaweeyeen madaxda Hoggaanka Xisbiga ee la doortay iyo musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxwene ku-xigeenka.

Dhinaca kale guud ahaan jaaliyadaha dibada ee reer Somaliland ayaa si wayn u taageeray una soo dhaweeyay gebagebada shirkii golaha dhexe ee WADDANI iyo madaxda iyi musharixiinta lagu doortay isla markaana caddeeyay in ay xisbiga garab taagan yihiin.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland