Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo sheegay in Musharax Cabdiraxmaan Cirro in uu neceb yahay askarta waxaanu Musharax Cirro intaa ku daray in uu dhal askari yahay kuna soo koray guri askari oo aabbihii uu ahaa askari.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay ka go’an tahay ka xisbi ahaan iyo ka musharx ahaanba in askarta la taageero oo la tayeeyo isla markaana noloshooda kor loo qaado.
Hdaba halkan ka daawo
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland