Suxufiga Iyo Saxaafadda Qaybtii 1-aad. Ibraahim Cabdilaahi h.Ibraahim {Ibaahim Suxufi}

0
441

Waa qormooyin taxane ah oo uu diyaariyay Ibraahim Cabdilaahi h.Ibraahim {Ibaahim Suxufi} oo ka mid ah  wariyeyaasha  reer Somaliland kana hawl gala Xarunga Gobolka Awdal ee Boorama.

Wariye Ibraahin Suxufi oo ahna bare macalin  ah ayaa qormooyin taxane ah oo uu kaga hadlayao warbaahinta iyo waajibadkeeda rasmia ah ee looga baahan yahay waxaa uu ku lafo guray waxay ay tahay warbaahintu,shaqada ay qabato.

sxf

Waxaa kale oo uu kaga haydlay yaa wariye ah iyo muxuu qabtaa wariyuhu ma jiraan waajibaad shaqo oo saaran wariyaha iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo uu talo iyo waanu ugu gudbinayaa qormooyinkan wariyeyaasha da’yarta ah ee reer Somaliland iyo guud ahaan wariyeyaasha Afka- Soomaaliga ku warama.

Hadaba qormooyinka oo aad u badan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa si taxane ah ee kala soco Xogsoormedia.com

Waana tan qaybtii koobaad.

Talooyin Ku Aaddan Wartebiyeenada.

Inkasta oo ay jitaa Suxufiyiin badan oo iiga Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Badan Xirfadda Ku Duugan Mihnada Saxaafada, Kuwaasi Oo Weliba Mudan In Markasta Aynu Ku Ixtiraano Martabada Ay Taaganyihiin.

Aniga Oo Qadarin Badan U Haya Dhamaan Suxufiyiinta Ka Hawl-gala:- Boorama, Awdal, Somaliland Iyo Somaliya. Waxa Aan Jeclaystay In Aan Halkan Kula Wadaago 10-Maqaal Oo Igu Dhashay Markii Aan Arkay Sida Loo Adeegsanaayo Saxaafada, Maadaama Khatarta Iyo Halista Ka Dhalan-Karta Saxaafada Oo Si Xun Loo Istimaalaayi Ay Saamayn Taban {Xun} Ku Yeelan Karto Bulshada.

Sidoo Kale Aniga Laftar Kaygu Waxa Aan Rajaynayaa In Aan Ka Faa’iidaysan Doonoo Akhristeyaasha Danaynaaya In Aynu Wadaagno Maqaaladan Hadii Ay Yihiin Suxufiyiinta Ama Dadka Caadiga Ah Oo Ay Mudan Tahay In Ay Inala Ogaadaan Sida Ay Tahay Mihnadani.

Qaybta 1-AAD:- MAS’UULIYADA SAXAAFADA

{Af-ku Wuxu La Xoogyahay Magliga Xawda Kaa Jaraye}

Inkasta Oo Ay Tixdani Ka Mid Ahayd Tudducyo Qayb Ka Ahayd Maansadii ABAAL-LAAWE Ee Uu Lahaa Gabyaagii Soomaaliyeed Ee Salaan Carabay, Oo Uu Abwaanku Kula Hadlaayey Inankii Uu Adeerka U Ahaa, Hadana Ujeedada Qormadani Kama Foga Midii Uu Salaan Ula Gol Lahaa.

Suxufi….{Cajiib}, Ma Dareensantahay Culayska Iyo Xajmiga Awooda Af-Kaaga?

Ma Ogtahay Inta Ay Le’egtahay Mas’uuliyada Ku Saaran?

Mase Aqoonsantahay Doorka Aad Kaga Jirto Bulshada, Tix-gelinta Dhaqankood, Iyo Diintoodaba?

…….Marka Hore Waxa Inagu Filan Tusaale Ahaan In Qofka Diktoorka Ah Ee Wax Qalaayi Haddii Uu Qaldamo Isaga Oo Waajibkaasi Gudanaaya, In Uu Galaaftay Nolosha Qofkaasi Oo Keliya, Sidoo Kale Haddii Uu Macalinku Qaldamo Ma Ogtahay In Uu Arday-da Uuni Si Khaldan Wax U Barteen, Mase Ogtahay In Hadii Uu Sheekhu Wacdiga Qaldo In Uu Asiibay Uun Inta Markaas Masjidka Fadhida.

Balse Qofka Warfidiyeenka Ahi Marka Uu Si Qaldan/Xun Wax U Sheego Ma Ogtahay In Uu Aafeeyey Dhakhaatiirtii, Macalimiintii, Culimadii, Waalidadii, Iyo Qaybaha Bulshada Oo Dhanba, Waayo Waxa Ay Wax Ka Dhegaystaan Waa Wartebiyeenada.

Arag-Hadda….Ma Dareensantahay In Aad Hayso Masuuliyad Inta Ay Doonto Ka Baaxad Roon Tani Ay Hayaan Kooxaha Kale Ee Aynu Hore U Soo Xusnay, Haddii Aanad Dareensanayn Ma Kuu Muuqataa In Aad Iska Dayso Ka Shaqaynta Mihnadani Haddii Aanad Waajibaadkaasi Sidiisa U Gudanaynin….

Hadda La Soco Oo Hadii Aad Bulshada Fasahaadiso Umada Intaas Le’eg Aduunka Oo Keliya Kuma Dhibaataysnid Ee Aakhirana Waa Halkeedii,

U Fiirso Aayadaha Quraankiyo Axaadiista Nebigaba Inta Laga Hadlaayo Runta Iyo Beenta Oo Keliya Maxaad U Malayn Buun-buuninta, Munaafaqnimada, Namiiminta{Isku Dirka}, Iyo Dhamaan Waxkasta Oo Saameeya Bulshada.

Ma U Fiirsatay Dhaqanka Soomaaliyeed Waxa Ku Jirtay Maah-maah Tidhaahda {Si Xun Wax U Sheeg Sixir Ka Daran}…….Marka Hore Wax Ka Faham Sixirka Kadibna Ka Fikir Adiga Oo Ka Daran…..Cajiib

Si Aad U Gudato Waajibaadka Saxaafada, Waxa Aad Wixii Caqabad Ah Kaga Dabaalan Kartaa Adiga Oo Marka Koobaad Xasuusan Xadiiskii Nebigeennii suubbanaa (CSW) Ee Macnahiisu Ahaa {“Qof kastaa waxa uu ku cadaab mudanayaa wixii xumo ah ee uu ku sameeyo carrabkiisa iyo xubintiisa taranka.”}

U Fiirso Sida Uu Afkeenu U Miisaan Culusyahay, Waxa Ay U Eegtahay Ninka Wax Qalay In Uu Ka Daran Yahay Kani Wax Sheegayaa.

Af-ku Wuxu La Xoog-Yahay Magliga Xawda Kaa Jaraye…….

Wixii Su’aalo Ah Intii Karaankayga Ah Ee Ilaahay I Waafajiyana Waan Isku Dayayaa……Insha’alaah………….

Hadii Aad Ka Akhrisatay Facebook-ga Ama Twitter-ka Halkan Ayaad Ku Reebi Kartaa Wixii Su’aal Ah.

Hadii Aad Ka Akhrisatay Website-yada Midkood-na, Wixii Su’aal Ah Ku Reeb Ciwaankan saxafi428@gmail.com………… …………………..By Sen, Correspondent Ibraahim Cabdilaahi Sh. Ibraahim……………