Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Kala Xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka iyo Macalin Laga Soo Xidhay Sool

0
371

“Carruur naf ahaan iyo jidh ahaanba diifi ka muuqato ayaa  ninkaa loo soo xiidhay baadhistiina way socota..Arrinta  kala xadaynta gobolada iyo degmooyinku waa hawl taagan go’aanka ugu dambeeya dawladda ayaa leh… Buuhoodle waa meelaha ugu mudan een ku rejo weynahay in dawladnimadu ka shaqayso imikana kama maqna Somaliland.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ,ayaa ka hadlay kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayen murano u dhexeeya gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood.

WASIIRKA-ARRIMAHA-GUDAHA-SOMALILAND-YAASIIN-FARATOON

Waxaa kale oo uu  ka hadlay in dadka deegaanka iyo bulshada gobolada iyo degmooyinka dalka ku dhaqani ay ka hadlayaan deegaanada kala xadayntooda isla markaana aanay jirin cabudhin iyo in dadka aan hadalkooda la ogolayn isagoo intaa ku daray in ay wax iska caadiya tahay in dadku ay isku dayi karaan in ay deegaan kala riixdaan taa macnaheedu aanu ahayn in ay kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalku ay dadka ku xidhan tahay ama ay ka go’do balse ay tahay hawl qaran iyo shaqo u taalla dawladda oo ay go’aankeeda leedahay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay nin macalin ah oo dhawaan ciidanka boolisku ka soo xidhay magaalada Laascaanood macalinkaas oo ka hawl gali jiray degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu sheegay in xadhigiisu uu la xidhiidho carruur yar yar oo naf ahaan iyo jidh ahaanba diifaysan oo lagu tacadiyay noloshooda oo loo soo qabtay ninkaa macalinka ah  isla markaana ay baadhistiisu ay socoto.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Wasiirka oo  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay muran xadeedka gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood ka dhex taagan iyo dadka deegaanada ee ka hadlaya waxa uga qorshaysan,ayaa ku jawaabay. “Horta mar kasta oo horumar yimaado hadal iyo wax kala riixashana way soo baxdaa arrinta kala xadaynta gobolada iyo degmooyinkuna waa hawl taagan waxaanay ka dhalatay gobolada iyo degmooyinka cusub. Mar kastana dadku waxay jecel yihiin in ay wax kala riixdaan oo ay kala bursadaan,dadkana waa la dhegaysanayaa aaraadooda oo xaalku maaha car juuq dheh iyo ha haadlin laakiin waa la wada hadlayaa oo waa la doodayaa waana la dhegaysanayaa dadka oo dadku waa dadkii dalka lahaa ee deegaamada ku dhaqnaa arrintuna ma noqonayso mid ay go’aankeeda dadku leeyihiin ama ay ka talinayaan laakiin go’aanka ugu dambeeya ee  kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalku waa shaqo u taalla Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo xukuumadda waana hawl aanu ku guda jirno oo aanu hadadanba gacanta ku hayno wax maalin iyo laba ku dhamaanayana maaha laakiin way socotaa waana shaqo lagu gudo jiro,hadalka dadka deegaanaduna ma noqonayo mid xaalad abuur keeni kara oo dalka dawlad ayaa ka masuul ah laakiin wixii aragti iyo cabasho ah waa laga dhegaysanayaa.”

Wasiirka oo ka jawaabayay sababta loo soo xidhay nin maalin ka ahaa degmada Xuddun oo ciidanka boolisku Laascaanood ka soo xidheen,ayaa yidhi. “Waxaa jirta carruur yar yar oo naf ahaan  iyo jidh ahaanba diifaysan oo darxumo badani ka muuqato  oo meel lagu hayay oo lagu tacadiyay noloshooda arrintaas ayaa loo soo xidhay baadhistiisuna way socotaa ciidanka dambi baadhista ayaana gacanta ku haya markaa ninkaa kiiskiisu baadhis ayuu ku jiraa baadhistaana laga war sugayaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay siduu u arko in ay bulshada Somaliland ka sugaysay markii xilka loo dhiibay in uu dawladnimada gaadhsiin karo Buuhoodle iyo waxa uga qorshaysan,ayaa ku jawaabay. “Horta maalinba meel ayaynu maraynay intay Somaliland jirtay dunidana mar kasta qabyo way jiraysaa laakin maanta Somaliland dawladnimadu dalka way wada gaadhsiisan tahay oo meel ay ka maqan tahay ma jirto deegaamada barigana in ay wada gaadhsiisan tahay oo maamul daadejintu ka hir gashay waxaa markhaati u ah siday diiwaan galinta codbixiyeyaashu uga qabsoontay Buuhoodlena qorshaha ayay iigu jirtaa in si dhamaystiran dawladdu uga shaqayso imikana kama maqnin oo Buuhoodle maamul iyo masuuliyiin iyo ciidan ayaa u jooga Somaliland.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon)

Xigasho Wargeyska Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland