Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan guddoomiyaha Wargeyska/Jaraa’idka Ogaal Muuse Faarax Jaambiir, oo geeri naxdin leh ku timi Hooyaddii Marxuumad Deeqa Xuseen Naaleeye oo maanta 06/10/2017 ku geeriyootay magaalada Hargeysa, sida oo kale na isla maalinta beri ah lagu aasi doono Hargeysa.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumaddu, isaga oo ku siffeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka casbi badan sida oo kale na u sama-fali jirtay dadka danyarta.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumadda Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, Ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo weli ba guddoomiyaha Wargeysak Ogaal na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin
INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN