Garowe(Xogsoormedia.com):- Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaal maanta ku dhex maray magaalada Gaalkacyo Maamul gooleedka Galmudug ee ay wada degen yihiin xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Waxaa kale oo maamulka Puntland ay ku eedeeyeen Galmudug iyo Al-Sahabaab oo wada jira in ay maalmihii ugu dambeeyay u soo hanjabayeen Puntland ka dib markii diyaaradaha Maamulka Galmudug uu ku eedeeyay Puntland in ciidan Galmudug ah in ay ku so hoggaamisay diyaaradaha Maraykanka kuna sheegtay in ay yihiin Al-Shabaab.
Puntland oo aan hore uga hadal ciidanka Galmug ee Maraykanku ku laayay Gaalkacyo agteeda maraykankuna ku sheegay in uu halkaa ku dilay saraakiil Al-Shabaab ah ayay hadda Puntland sheegtay in ay ahaayeen ciidan Al-Shabaab ah.
Waxaa kale oo ay Puntland sheegtay in dagaalka maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo in uu dhex maray Al-Shabaab iyo Puntland.
halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland