Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad Ee WADDANI Oo Hadhimo Sharafeed Ku Casuumay Qurba Joogii Ugu Badnaa Ee Xisbiga Oo Ka Qayb Gelaya Shirka Golaha Dhexe

0
331

Hargeysa(Xogsoormedia.com:)-Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga WADDANI ahna musharaxa jaada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed,ayaa maanta hadhimo sharafeed ku casuumay  qurba joogga Xisbiga WADDANI ee u yimi in ay ka qayb galaan shirka golaha dhexe ee Xisbiga oo bishan  badhtamaheeda  qabsoomi doona.

Qurbo-joogtan oo ka qayb-gelaya Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo lagu inuu qabsoomo Bisha November, ayaa waxa hogaaminaya Guddoomiyaha guud  ee Qaarada Yuru Axmed Cali Mahdi, ayaa waxa uu guddoomiye Axmed Muumin Seed soo dhaweynta kaddib, uu la yeeshay kulan-hadhimeed balaadhan,taasoo uu ugaga xog-waramay howlaha Xisbiga iyo halka ay marayso qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe ee ay dalka u yimaadeen inay ka qayb-galaan.

seed(9).jpg

Guddoomiye Ku-xigeenka koobaad ahana musharax u tartamaya jagada madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed oo ka hadlay kulanka uu  ku casuumay Qurbo-jooga ayaa sheegay in howsha qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe meel fiican marayso, isla markaana ay rajeynayaan inuu guul ku dhamaado.

Geesta kalena waxa uu aad uga mahad-celiyey ka soo qayb-galkooda Shirka, isagoo xusay in xisbigu sii xoogaysanayo marba marka ka dambeysa, taasina ay u gogol-xaadhayso inuu ku guulaysto Doorashada Madaxtinimada ee Dalka.

Guddoomiye Muumin waxa kale oo uu qurbo-joogta u sharaxay qaabka uu u dhacayo Shirku, hankiisa Murrashaxnimo iyo muhiimadda ay leedahay in lagu tartamo Manaasiibta Xisbiga.

Dhanka kalena waxa uu wax uga iftiimiyey guulaha Siyaasaddeed ee uu xisbigu ka sameeyey dhanka kasbashada Siyaasiyiin miisaan leh oo ku biiri doona maalmaha soo socda, kuwaasoo uu sheegay in kamid noqoshadooda Xisbigu xoojinayso halganka loogu jiro isbedelka hogaamineed ee dalku u baahanyahay.

Xubno ku hadlayey afka qurbo-jooga ayaa iyaguna dhankooda uga mahad-celiyey Guddoomiyaha soo dhaweynta iyo qado-sharafta uu u sameeyey, waxaanay si guud iyo si gaar ahba uga warameen howlaha Xisbigu halkay marayaan wadamada ay ka yimaadeen.

Waxa ay tilmaameen in  dhismaha dibadaha ee Xisbigu halkii ugu fiicnayd marayo, siiba qaarada Yurub oo ay badankoodu ka yimaadeen, iyagoo xusay  inay  muhiimadda ugu siiyaan xidhiidhka Jaaliyadaha ka dhisan wadamada ay ka yimaadeen si ay taageerada Xisbiga qayb uga noqdaan.

Qurbo-jooggan ayaa ah tiraddii ugu badnayd waddanka u yimi inay ka qayb-galaan Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADDAN

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland