Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Caddeeyay In Uu U Tartamayo Jagada Musharaxa Madaxweynaha Ee UCID

0
398

“Jamaal xaq uma laha in uu meel walba naga caayo aniga iyo Muuse’Nin aan musharax ahayna in aad maalin walba tidhaahdaan waa musharax maaha.” dagaalkii UCID oo wali taagan iyo weerarkii ugu dambeeyay ee Faysal ku qaado Jamaal

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dagaalkii garabyada UCID ayaan wali dhammaan waxaana socda hadalo ay warbaahinta isu marinayaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

Weerarkii ugu dambeeyay ee dhanka warbaahinta ay isu mariyaan ayuu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegay in uu yahay musharax u taagan u tartanka jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxaanu sheegay in ay aqoodu ku jirto gacanta xubnaha golaha dhexe ee UCID.

Dhanka kale waxaa uu meesha ka saaray in uu Jamaal Cali Xuseen yahay musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga isagoo warbaahintana ku duray in ay ku cel celiyaan musharax Jamaal.

Hadaba halkan ka daawo