Safiir Baashe Cawil Oo Ka War Bixiyay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Imaaraadka Carabta Uu Ku Joogo Iyo Waxyaabaha Uga Qabsoomay

0
415

Dubai(Xogsoormedia.com):-. Danjiraha Somaliladn u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar,ayaa ka war bixiyay socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu ku joogo dalka Imaaraadka Carabta iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Waxaanu wax lala yaabo ku sheegay warar ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada Maras iyo Sucuudiga oo wax ka sheegay heshiiska Somaliland la gashay shirladda caalamiga ah ee DPW. ee lagu balaadhinayo laguna casriyaynayo Dekeda Berbera.

Baashe-Cawil

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, Mr, Baashe Cawil oo weriye Maxamuud Walaaleye u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubai ayaa shaaca ka qaaday in hawlahii Wefdigii Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilanyo hogaaminayey ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka carabtu si wanaagsan ugu socdaan, kulamo kala duwana la yeesheen madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Baashe Cawil Cumar oo la weydiiyey inuu tafaasiil ka bixiyo halkay marayaan hawlahii wefdiga Madaxweyne Siilanyo hogaaminayey u tageen dalka Imaaraadka Carabta iyo kulamada ilaa immika  ay yeesheen ayaa ku jawaabay,

“Wefdiga Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilaanyo hoggaaminayey si wanaagsan ayey weli ugu dhex-jiraan socdaalkoodii shaqo ee ay  ku yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta,  wakhtigan waxuu marayaan gebagabo, Ilaahay mahadii, mashaariico badan oo ku saabsan horumarinta dadka iyo dalka Somaliland way u hirgaleen.

Booqashada wefdiga Somaliland ayaa baddi la xidhiidhaysii balaadhinta iskaashiga iyo xidhiidhka u dhexeeya labada wadan iyo mashaariicaha wadanka Imaaraadka Carabtu ka taageerayo shacabka Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh, uguna muhiimsan tahay biyaha, waxbarashada, kaabayaasha iyo kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadka heer-nololeedka bulshada Somaliland.

Waxaana la filayaa In wefdiga madaxweynaha JSL Md. Axmed Siilanyo uga sii gudbaan dalka Ingiriiska socdaalkooda shaqo Axada soo socota Hadii Ilaah Yidhaahdo, tafaasiisha socdaalka iyo hawlahii uga qabsoomay dalka Imaaraadka Carabta-na waxa faahfaahinteeda bixin doona wefdigu markuu ku laabto dalka.

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo la weydiiyey waxa ka jira warar wargeysyo Sacuudiga iyo Masar ka soo baxa ka baahiyeen heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, kuna sheegeen inuu yahay qorshe wadamadda Maraykanka, Masar iyo soomaaliya wadajir u wataan, iyo warar laga baahiyey in wefdiga Madaxweyne Axmed Siilanyo kulamo hordhac ah kula yeeshay kooxda Khaatumo Dubai ayaa si kooban u yidhi,

“Xaqiiqdii waa wax lagu qoslo, isla markaana ah xogo la mala-awaalay, mana mudna in wakhti lagu lumiyo, ta labaad, Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilanyo waa maadaxweynahii shacabka Somaliland meel kastoo ay joogaan, waanu kula kulmi karaa meel walba, balse ma jiro kulan ujeedada aad sheegtay oo rasmiyan u dhacay.

Hadalka Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa meesha ka saaray warar wargeysyo ka soo baxa dalka Sacuudiga iyo Masar ku baahiyeen xogo majara-habaabinaya xaqiiqada heshiiska maalgashiga dekeda Berebera ee dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada jirka qalinka ugu duugeen, oo in badan oo warbaahinta caalamku  ku baahiyeen muhiimada u yeelan doono shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka markuu soo baxay iyo saamaynta uu ku yeelan karo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@mail.com.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland