Xukuumadda Oo Digniin Adag U Dirtay Warbaahinta Tebisa Warar Aan Jirin Oo Xaalad Abuur Ah Beenisayna In Gar’adag Shaqaaqo Ka Dhacday

0
482

“Warkaasi ma jiro Gar’adagna Goor dhaweyd ayaan ka imi Warbaahinta qoraysa  war been ah oo xaalad abuur ahna tallaabo ayaa laga qaadayaa.” Wasiirudawlaha Amniga

Ceel-afweyn(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa digniin adag u dirtay waraahinta tebisa warar xaalad abuur ah oo nabad gelyo darro abuuri kara  isla markaana  been abuur ah oo aan jirin,waxaanay beenisay in warar  sheegayay in degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag in ay shaqaaqo  daba socotay shaqaaqooyinkii la soo afjaray ee beelaha walaalaha ah ku dhex maray deegaano ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag n ay ka dhecen oo beero lagu gubay isla markaana meherado lagu boobay.

fi

Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ku sugan degmada Ceel-afweyn oo khadka taleefanka ugu waramay wargeyska Dawan oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay siday wax uga jiraan warka laga qoray degmda Gar-adag ayaa yidhi.”warkaasi waa mid aan jirin oo been cad ah goor dhawayn oo fiidkii ah ayaan ka imi Gar-adag wax ka dhacay iyo beero la gubay midna ma jirto meherado la boobay iyo dadka aad leeday waa la xidh xidhayna adiga ayaan kaa maqlay,haddii cid la xidhayo anigaa goob joog ah oo hawsha nabadaynta u jooga deegaankan madax badan ayaanu ku joognaa wax kasta oo nabad gelyda la xidhiidhana annaha ayaa ka shaqaynayana iyo madaxdhaqameedka markaa hadalkaasi waa mid aan jirin oo aan sal iyo raad lajayn. Deegaankuna waa nabad gelyo.”

Wasiirka oo ka hadlayay Warbaahinta qorta warar been abuur ah oo nabad gelyada halis ku ah iyo waxa uga meel yaal ka Xukuumad ahaan,ayaa yidhi. “Waxaan Warbaahinta uga digayaa in ay ka fogaadaan wararka been abuurka ah ee xaalad abuurka ah ee nabad gelyda waxyeelaynaya sida kan imika oo kale waxaana loo baahan yahay markay warbaahintu war qorayso in  halka ay wax ka qorayaan cidda joogta wax ka waydiiyaan,waxaanan u sheegayaa warbaahinta ka waantoobi wayda been abuurka iyo wararka nabad gelyada lidka ku ah in tallaabo adag laga qaadi doono haddii  masuuliyadda wareed ee ay hayaan ay ilaalin waayaan waxay mari doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.”ayuu yidhi Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye

Xigasho Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland