War-Murtiyeed Ka Soo Baxay Nairobi Oo Xukuumadda Somaliland Lagu Cannaantay

0
411

NAIROBI(Xogsoormedia.com):- War-murtiyeed laga soo saaray magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo ay soo saareen Guddida caalamiga ah ee ilaalinta suxufiyiinta ee loo yaqaanno CPJ (Committee to Protect Journalists),ayaa Xukuumadda Somaliland ku cannaantay xadhiga Suxufiyiinta iyo wargeysyada Somaliland

Waxaanay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in ay si shuruud  la,aan ah ku sii dayso Wariye Axmed Muuse Sakaaro oo muddo sadex cisho ah ku xidhan magaalada Burco,

CPJ-1

War-murtiyeedka CPJ, oo ay soo turjuntay kana soo xiganay Shabakadda Wararka ee Gudgudenews.Guddida CPJ waxay sheegeen in Suxufiga Axmed  Sakaaro oo ka shaqeeya shabakadda Rakaadnews online ay ciidanka Booliska Somaliland   ku xidheen magaaladda Burco ee barriga Somaliland 25-kii bishan September, sida ay ka soo xigteen suxufiyiin  iyo urur maxali ah oo ka shaqeeya  ilaalinta xuquuqda aadamaha.

CPJ waxay baaqooda ku sheegeen  “Guulleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Urur xuquuqda aadamaha ka shaqeeya, ayaa u sheegay CPJ in xadhiga Axmed Sakaaro uu ka  dhashay maalmo uun ka dib markii uu daabacay naqdi la xidhiidha hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku lahaa inay takhalusi  doonaan wax uu ugu yeedhay  ‘budhcad saxaafadeedka.”

Sidoo kale waxay intaas ku dareen in Guulleed Axmed Jaamac,  u sheegay CPJ in  dawladdu  aanay u soo marin habkii sharciga ahaa xadhiga Suxufigan, hase yeeshe  ay weriyaha u sheegeen oo kaliya inay ku xidhayaan wixii uu qoray.

“Axmed Muuse Sakaaro wax dambi ah muu samaynin. Waxaanu cabiray uun fikirkiisa oo uu xaq u leeyahay,”ayuu yidhi Murithi Mutiga, oo  ah wakiilka barriga afrika u qaabilsan CPJ, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu  yidhi “Dawladdu waa inay sida ugu dhakhsaha badan u sii daysaa Suxufigan (Axmed Sakaaro) isla markaana ay qaadaa tallaabooyin ay ku  xaqiijinayso badbaadada dhammaan suxufiyiinta ee Wasiirku u hanjabay  iyagoo shaqadooda gudanaya.”

“Guddoomiye Ku-xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland, ayaa  Salaasadii u sheegay CPJ inaanay  xukuumaddu sheegin xilliga ay Axmed Sakaaro sii daynayso. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, ayaa ka  soo jawaabin   Telefoon aanu u dirnay oo aanu kala hadli lahayn mowduucan,”ayaa lagu yidhi qoraalka  CPJ. Waxaanay ku soo xidheen  baaqooda. “CPJ  waxay diiwaan-gelisay dhawr xad-gudub oo ka dhan ah madax-banaanida Saxaafadda oo ka dhacay Somaliland oo ay ka mid tahay inaan loo aabbo-yeelin xadhiga wargeysyadda madaxa bannaan.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland