Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Inta badan warbaahinta Caalamka,ayaa si isu dhaw u faallaysay dooddii ugu horraysay ee ay wada yeesheen laba musharax ee dalka Maraykanka ugu loolamaya galista Aqalka Cad ee waddankaas looga arrimiyo.
Dooddii u horeysay ee dhex marta musharixiinta dimoqradiga Hillary Clinton iyo xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayay warbaahintu ku faaqiday in ay ahayd dood aad u qabaw oo aan lahayn xiiso badan oo ay soo bandhigeen labada musharax.
Waxaa kale oo Warbaahita Caalamku sheegtay in dooda ay ku horraysay Hillary in kasta oo aanay iyada qudheedu aanay la shir iman doodeeda koobaadna aanay kaga hadal wax csusub oo ka mid ah hoggaaminteeda.
Halka Trump uu dhaliisha ugu badan Warbaahinta kaga kasbaday in uu ahaa qof aan xasiloonayn oo isku buuqsan hadalkana aan sugayn oo marka ka dhex galayay wariyihii doodad hagayay.
Siday Wargeysyada Caalamku U Arkeen Cidda Ku Gacan Sarreysay Doodda
The Guardian, (Wargeys kasoobaxa dalka Ingiriiska)
Caalamka oo ka hadlayay waxqabadka labada musharax ayaa u muuqatay ,mid ayna labada musharraxba ku soo bandihigin arrimo xiiso leh oo laga filayay sida ay sheegeen wariyayaasha Wargeys ka The Guardian oo si gaar ah indhaha ugu hayay sida ay dooddu u socotay .
Labada musharax midkoodna ma soo bandhigin arrimo cajiib ah . waxa uu intaa ku daray wargeysku xataa hadii ay u muuqaday in Hillary Clinton guushu raacday labaduba waxay galeen khaladaad.
Saxufiga ka faallooda arrimaha siyaasadda ee ka hawlgala wargeyska the Guardian, Jill Abramson, ayaa sheegay in Trump uu ahaa wakhtigii doodda mid “qallafsan” halka Clinton uu ku tilmaamay inay ahayd mid “kufaraxsan” nafteedu. Dooddan ayaa ahayd mid aan lahayn “Xiise soo jiiddasho” iyo Trump oo noqday mid “hadaladiisu aanay dheelli tirnayn” isaga oo hadalka kolba ku qabsanayay Lester Holt, hagaha barnaamijka .
Waxa uu intaa ku daray in Clinton ay iyana xageeda ku guul darraysatay inay soo bandhigto qodobaynta qorshaheeda madaxtinimo.
Dhinaca kale Wargeysyada ay ka midka yihiin The Times, The Telegraph ,Le Monde ,Le Figaro ,Liberation ,The Los Angeles Times iyo The Washington Post ayaa isku wada aragti dhawaa iyaga oo badankoodu muujinaya in maadaama uu yahay kani doodoodii u horeysay ay suurta gal tahay in Hillary Clinton guuleysan karto Mustaqbalka , haday fikradaheeda sii horumariso , kuna xidhnaato dadka siyaasadda falanqeeya, talooyin bandan oo wax katari kara doodaheedana qaadato.
Hadaba dib u dhugo oo daawo doodda labada musharax.
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Xogsoormedia.com Ofice
Hargeisa Somaliland