Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Raysal-Wasaaraha Xilku ka dhamaaday e u sharaxan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ,ayaa sheegay in aanay gudiga Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya xaq u ahayn isla markaana aanay go’aan ka gaadhi karin halka lagu qabanyo doorashada xildhibaanada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.
Waxaanu intaa ku daray in go’aan ka gaadhista Doorashada Mudaneyaasha gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan halka lagu soo dooranayo in ay u taallo dawladda Dhexe
War-saxaafadeed uu arrimahaa kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan.
“Go’aan-ka-gaadhida halka lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada Gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe waa mid u Taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya,“ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan u Mahad-celinayaa oo aan bogaadinayaa Hawsha wanaagsan ee ay wadaan guddiga doorashada 2016-ka, laakiinse waxaan rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddigu inay ilaaliyaan go’anadii lagu gaadhay madasha hoggaamiyeyaasha Qaranka ee dalka oo lagu caddeeyay in go’aan-ka-gaadhida goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaannada ka imanaya Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo ahayd mid u taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland