Hargaysa(Xogsoormedia.com):-Hay’addaha Garsoorka dalka ayaa looga fadhiyaa in ay Maxkamadda Horteeda keenaan Cidda uu u xidhan yahay Qoraa/abwaan Siciid Maxamuud Gahayr(Hargeysaawi) oo muddo bil ah u xidhan caddayn la,aan kiiska lagu soo xidhay ee uu ku soo eedeeyay Maamulaha Madaarka Hargeysa.
Dhawr goor oo Maxkamadda la hor keenay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ayaanu Maxkamadda hor iman Maamulaha Madaarka Hargeysa oo isagu soo dacweeyay loona soo xidhay.
Maamulaha Madaarka ayaa ku soo eedeeyay Qoraa Siciid in uu ku kacay falal amni darro iyo shaki galinta diyaaradaha Madaarka Hargeysa ku xidhan.
Hadaba Garsoorka dalka oo loo siman yahay waxaa la gudboon in ay soo gole joojiyaan oo Maxkamadd la hor keeno masuulka soo eedeeyay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo uu Maxkamadda horteeda kaga caddeeyo eedaha uu ku soo dacweeyay.
kuwaasoo haddii lagu helo ay tahay in uu ciqaabtooda maro qoraa Siciid oo sheegay in aanu galin dambiyada lagu soo eedeeyay haddii lagu waayana waa in sharcigu tallaabo ka qaadaa masuulka soo xidhay.
dhegaysigii Maxkamadda ee Maalintii sabtidii ayaa y dhacay sidan.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Sabtidii Maanta la hor-keenay Qoraa/ Macallin/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo 36 maalmood Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa ugu Xidhan Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii Maqaal uu qoray oo ay dhibsadeen Agaasimaha Wasaaradda Duulista Somaliland iyo Maamulaha Madaarka Cigaal, kaasoo sababtiisa loo xidhay.
![]() |
Fadhiga Maxkamadda ee Dacwadda Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ahayd mid furan, waxaa dhegaysigeeda ka qaybgalay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Ehelladda Abwaan Siciid iyo sidoo kale Weriyeyaal ka hawlgala Hay’adaha Warbaahinta qaarkood, Xeer-ilaalinta, Garyaqaanno, Qorayaal, Abwaanno iyo Xubno kale.
Xeer-ilaaliye Farxaan oo Akhriyey eedda loo haysto Macallin/Abwaan/Qoraa Siciid
Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), oo uu ku sheegay kicin dadweyn iyo inuu digniin Amni u diray, Diyaaradaha Itoobiya iyo Fly Dubai. Eeddaas oo uu Siciid Gahayrna iska difaacay, isla markaana ku dooday inaanu qabin gebi ahaantoodba eedahaas Maxkamadda laga hor akhriyey.
Hase-yeeshee, Siciid Maxmauud Gahayr, ayaa qirtay inuu Maqaal uu qoray kaga faallooday arrimaha kala ah, Shaqaalaha Madaarka, goob Dakhliyeed ku taal Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo sidoo kale arrimaha ku taxalluqa Shaqaaleynta Shaqaalaha Cusub ee Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal iyo qaabka loo qaato ama lagu qoro, isla markaana in uu fikirkiisa cabbiro Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland u Dammaanad-qaaday isaga iyo Muwaaddiniinta kale ee reer Somaliland-ba oo Qalin, Hadal iyo Sawir intaba ku muujin kara aragtidooda.
Geesta kale, Maxkamadda ayaa dhegeysatay eedda Xeer-ilaalinta, halkaana ka caddaysay in Maamulaha Madaarka Hargeysa uu Markhaati ka yahay Kiiskan. Balse uu si cad uu diiday inuu hor-yimaaddo Maxkamadda Sharafta leh, isla markaana isagu hore Booliska uga soo dalbaday in la xidho Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).
Hase-yeeshee, waxay markaas ka dib Xeer-ilaalintu dalbatay in Xabsiga loo soo taxaabo Maxamed Yuusuf oo ah Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal, haddii uu fadhiga 2-aad ee Dacwadda diido inuu yimaaddo Maxkamadda horteeda, maaddaama uu isaga u xidhanyahay Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.
Waxaanay markaas ka dib Maxkamaddu muddaysay in Dacwaddan mar kale loo fadhiisan doono 27 September 2016 oo ah bishan aynu hadda ku jirno ee socota. Sidaas ayaanu ku xidhmay fadhiga Sabtidii Maanta ay Maxkamaddu u fadhiisatay ee Dacwadda awood-sheegashada ah ee loo hayso Abwaan/Qoraa/Macallin Siciid Maxamuud Gahayr