Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Maxkamadda Sare ee Somallland,ayaa ku dhawaaqday oaan ka gaadhista dacwadda khilaafka UCID.
Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ay goob joog ka ahaayeen labada arab ee khilaafka UCID u dhexeeyay oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Cali Xusseen
Waxanay Maxkamadda Sare ee somaliland kasoo saartay go’aamo kama danbays ah oo dabar u noqon doona khilaafka xisbiga UCID waxaana qodobadani kala ahaayeen sida tan
In Muddo 60 Cisho ah lagu qabto shirwaynihii xisbiga UCID oo aan caadi ahayn isla markaana maanta ka bilaabmaysa
Maxkamadda ayaa xukuntay In ergada shirwaynaha xulistooda loo raaco xeerkii xisbiga UCID
In labada dhinacba ay hawl galiyaan 10 xubnood oo ka hawl gala qaban qaabada shirwaynaha xisbiga isla markaana la shaqaynaya hogaanka xisbiga kana kooban 10 xubnood oo si isleeg looga soo kala xulay labada dhinac
qodobka 7-aad Maxkamadu waxay ayiday qodobada 4-aad, 5-aad 6-aad iyo 7-aad ee go’aanka gudida diiwaangalinta iyo ururada siyaasada
Go’aankan ay soo saartay maxkamadda sare ee somaliland ayaan wax saasa kaga duwanayn go’aankii ay hore usoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasada somaliland taasi oo uu gudoomiye Faysal ambiil ka qaatay
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland